Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wafdi ka socda Dowladda Cumaan oo marti qaad rasmi ah ka heysta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.
Wafdigaan oo uu hogaaminaayo Xoghayaha Guud ee Madxafka Qaranka Cumaan Jamaal bin Xasan bin Xuseen Al-Muuse iyo Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ka wada hadlay soo nooleynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii Dowladda Cumaan ay gacan ugu geysan laheyd dib-u-dhiska goobaha taariikhiga ah ee Magaalada Muqdisho.
Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Cuman, Ganacsato iyo khabiir ku takhasusay Arrimaha Geeska Afrika oo ka tirsan Dowladda Cumaan.
Wafdigaan ka socday Dowladda Cumaan ayaa Muqdisho waxa ay soo gaareen subaxnimadii hore ee saaka iyada kula kala duwan la yeelan doonaan madaxda kala duwan ee gobolka Banaadir.