Duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa haatan bilaabay la xisaabtan dhab ah oo uu ku sameynayo dhammaan guddoomiyeyaasha degmooyinka ee gobolka Banaadir, si loola socda shaqooyinkooda.
Madaale ayaa maanta kulan isla xisaabtan iyo dardargelin shaqo la yeeshay heerarka kala duwan ee maamulada Xamar Jajab iyo Waaberi oo ay u jiraan guddoomiyeyaasha.
Sidoo kale waxa uu warbixin la xariirta horumarada iyo caqabadaha dhinaca shaqooyinka ka dhageystay qeybaha kala duwan ee Maamulada Degmooyinka Xamar-Jajab iyo Waaberi, isaga oo kula dardaarmay dardargelinta adeegyada loo haayo Bulshada, La-dagaalanka Maandooriyaha, Anshax xumada, Nadaafada iyo in laga fogaado musuqa.
Waxaa kale oo uu faray madaxda maamulada degmooyinka Xamar jajab iyo Waaberi in si dhaw looga war haayo bulshada ku nool Degmada, si caruurta ay u helaan waxbarasho, dadka dantayar la gar-gaaro, isla markaana bulshada lagu wacyigeliyo ka shaqeynta horumarka iyo Amniga Degmada.
Shalay kulan kan lamid ah oo la xisaabtan ah waxa uu la yeeshay heerarka kala gedisan ee guddoomoiyeyaasha degmooyinka Howlwadaag iyo Hodan, isaga oo kala hadlay shaqada.
Sidoo kale wuxuu ku adkeeyay dardargelinta adeegyada loo haayo Bulshada, La-dagaalanka Maandooriyaha, Anshax xumada, Nadaafada iyo in laga fogaado musuqa.
Qorshahan la xisaabtanka ee uu bilaabay duqa Muqdisho ayaa kusoo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay uu maamulka gobolka kordhiyay dadaallada lagu hormarinayo caasimada.