Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in in gelinkii dambe Jimcihii ay gobolkaas isku fara saareen ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayay aagga Buuloburde
Ciidamada deegaanka oo ka war helay dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday goob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab oo ku taalla deegaanka Cadow Gureey oo kamid ah deegaanada hoos yimaada degmada Buuloburde.
Weerarka kadib ayaa waxaa meesha ka dhacay dagaal qaatay saacado badan, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.
Sarkaal u hadlay Macawiisleyda deegaanka ayaa guul ka sheegtay dagaalkaasi, wuxuuna sheegay inay la wareegeen deegaanka lagu dagaalamay, ayna ka saareen Al-Shabaab.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan halgankooda xoreynta gobolka Hiiraan oo ah halka uu kasoo billowday kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Al-Shabaab.
Xaaladda ayaa maanta mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee guusha ka sheegatay Macawiisleyda.