Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ka dhacay gudaha magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Maslax Macalin Cali, xogaha degmada Xarardheere oo la hadlay warbaahinta Mustaqbal ayaa xaqiijiyay dagaalka maanta ka dhacay gudaha magaaladaasi in uu ka dhashay khasaare kale duwan.
Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa ilaalo qaran iyo ciidamo deegaanka ah oo ku wada sugan magaalada.
Xoghaye Maslax ayaa sheegay in dagaalka uu ku geeriyooday hal ruux oo shacab ah, halka uu ku dhaawacmay askari kamid ah kuwii dagaalamay.
Sidoo kale, xoghayaha ayaa sheegay in la xiray dhammaan askartii shaqaaqada ka abuurtay gudaha magaalada, isla markaasna caddaalada la horgeyn doono.
Xaaladda magaalada Xarardheere ayaa hadda deggan, iyada oo isku socodka iyo adeega bulshada uu dib u soo laabtay.