Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

    October 4, 2025

    Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

    October 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025

      Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

      October 4, 2025

      DEG-DEG: Qarax ka dhacay Godka Jilocow &

      October 4, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Khasaare ka dhashay qarax ismiidamin ah oo ka dhacay dalka Pakistan

      September 30, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu ula kulmi laha Donald Trump.

      September 27, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025

      Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

      October 4, 2025

      DEG-DEG: Qarax ka dhacay Godka Jilocow &

      October 4, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Maamulka Mandheera oo cadeeyay in dowladda Kenya ay taageero u fidisay ciidanka Jubbaland

    Maamulka Mandheera oo cadeeyay in dowladda Kenya ay taageero u fidisay ciidanka Jubbaland

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comAugust 31, 20253 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email
    • Maamulka Mandheera oo cadeeyay in dowladda Kenya ay taageero u fidisay ciidanka Jubbaland

    Guddoomiyaha Mandhera, Maxamed Aadan Khalif, ayaa ku baaqay in si dhaqso ah looga saaro ciidamada Jubbaland ee lagu eedeeyay inay ka hawlgalaan gudaha degmada Mandhera, isagoo sheegay in joogitaankoodu khatar ku yahay madax-bannaanida Kenya, isla markaana shacabka ay qaadi karaan tallaabo haddii dowladda aysan soo faragelin.

    Khalif oo Jimcihii ka hadlay munaasabad dadweyne ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ay xero ka sameysteen dugsiga hoose ee BP1 Primary School oo ku yaalla Mandhera, taas oo keentay in la xiro dugsiga, ardayduna ay ku barakacaan, iyagoo diyaar garoobayay imtixaannada qaran.

    “Mandhera lama dhigi karo goob dagaal oo Soomaaliya loogu tartamayo. Dan naga ma gasho Soomaaliya marka laga reebo nabad. Haddii ciidamadaan si degdeg ah loo saarin, tallaabo ayaan annagu qaadi doonnaa,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

    Wuxuu ku eedeeyay ciidamada Kenya Defence Forces (KDF) inay taageerayaan cutubyada Jubbaland, isagoo ku baaqay in Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Roselinda Tuya, ay arrintan soo farageliso. Sidoo kale, wuxuu digniin u diray Itoobiya, isagoo ka dalbaday inaysan Mandhera uga dhigan saldhig hawlgallo ay la xiriiraan Soomaaliya.

    “Ma suurtoobayso in dugsiyo, beeraha iyo ceelasha biyaha la xiro iyadoo lagu marmarsiyoonayo taageeridda koox ka tirsan Soomaaliya. Waxaan sidoo kale u sheegaynaa deriskeenna Itoobiya inaysan Mandhera ka dhiganin saldhig. Xuduud kale oo badan ayaa jira,” ayuu raaciyay.

    Xildhibaanada kale ee gobolka ayaa taageeray hadalka guddoomiyaha. Haweeneyda ku metesha Mandhera Baarlamaanka, Umulkheir Kassim, ayaa cambaareysay in dugsi loo beddelo waxa ay ku tilmaantay “xero maleeshiyo,” iyadoo sheegtay in arrintani cabsi iyo barakac ku abuurtay haweenka iyo carruurta.

    Senator Cali Roba ayaa isna qoraal uu ku daabacay X (Twitter) ku sheegay in “cabsi iyo walaac ku dhacay shacabka Mandhera kadib markii rasaas iyo gantaallo ay ku dhaceen gudaha dhulkooda. Tani ma ahan nolol muwaadiniin Kenyan ah loogu talagalay.”

    Hase yeeshee, Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa horraantii bishan beeniyay eedeymaha, isagoo ku adkeystay in ciidamadoodu ku kooban yihiin dhulka xuduudka Soomaaliya ee Kenya la wadaagto.

    Ciidanka Jubbaland, oo loo yaqaan Darawiish, waa cududda amniga ee maamulka Jubbaland oo xaruntoodu tahay Kismaayo. Waxaa laga dhisay dhaqdhaqaaqii Ras Kambooni ee uu hoggaaminayay Axmed Madoobe, waxaana loo adeegsaday dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab iyo difaaca maamul-goboleedka Jubbaland.

    Inkasta oo Kenya ay muddo dheer u adeegsatay Jubbaland sidii “xayndaab” ka dhan ah al-Shabaab, haddana siyaasaddan ayaa muran iyo dhaliil gudaha Kenya ka dhaliyay, iyadoo khubaradu ka digayaan in Mandhera lagu jiido khilaafaadka gudaha Soomaaliya, taas oo dhaawici karta madax-bannaanida Kenya iyo badbaadada shacabka ku nool xuduudka ay ku kulmaan Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

    October 4, 2025

    Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

    October 4, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

    October 4, 2025

    Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

    October 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.