Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka hor yimid hadal uu dhawaan warbaahinta siiyay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya Xuseen Macalin, kaas oo ahaa in ciidamada itoobiya ay guud ahaan Soomaaliya ka bixi doonaan dhamaadka sanadkan.
Warsaxaafadeed kooban oo ka soo baxay Wasaaradda Amniga Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed kaas oo lagu baahiyey barta Twitter ee hadda loo yaqaan X ayaa lagu sheegay in ciidamada Itoobiya ee ATMIS ay howl adag ka hayaan deegaannada maamulkaas.
Warka ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu yiri, “Ciidamadda Itoobiya ee ATMIS waxay hayaan howl adag, waxa aanan uga mahadcelineynaa ka qeeyb qaadashadooda howlgalka nabad ilaalinta, waxayna sii wadi doonaan in ay si joogaan oo ay doorkooda ka qaataan gobolka.”
Hadalkaan ka soo yeeray Wasaaradda Amniga Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa ku soo aadaya ka dib markii maalin ka hor uu wareysi bixiyey Lataliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya Xuseen Macalin, kaas oo uga hadlay amniga dalka, isaga oo sheegay in ciidanka Itoobiya ee Soomaaliya ku sugan ay iska bixi doonaan dhammaadka sanadkaan 2024-ka.
Lataliyaha Amniga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Macallin ayaa ku dhawaaqay in ciidamada Itoobiya ay Dalka ka baxayaan dhammaadka Bisha Deseembar sanadkaan 2024.
Xuseen ayaa sheegay in waqtigaas bixitaanka ciidanka Itoobiya ay ku beegan tahay muddada loo asteeyay in ciidamada howlgalka kumeel-gaarka ah ee Midowga Afrika ATMIS ay isaga baxaan Soomaaliya.
Waxa uu sheegay Lataliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Macallin in ciidamada Itoobiya aanay kasii mid ahaan doonin howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS balse ay guud ahaan isaga baxayaan Dalka.
Sida uu dhigayo qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay tirsigiisu yahay 2710 (2023) marka la gaaro dhammaadka sanadkaan 2024 waxaa lasoo baddelayaa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ee horay looga baddelay AMISOM.
Xitaa haddii sanadka 2025 gaar ahaan Bisha Janaayo muddo kooban lagu daro ama wax laba baddelo qorshaha ATMIS kama sii mid ahaan doonnaan Ciidamada Itoobiya sida uu sheegay Lataliyaha dhanka Amniga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.