Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ay deegaan doorashadiisu tahay HirShabelle iyo madaxweynaha maamulkaas Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayay ka dhex-tafatay, iyadoo maanta dagaalkooda uu bannaanka usoo wada baxay.
Ugu horreeyn Macallimuu oo qoraal soo saaray ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha, wuxuuna ku eedeeyay hoggaan xumo iyo inuu la dagay HirShabelle.
Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in HirShabelle aanu ka socon wax hormar ah, sidoo kalena ay kala qaybsan yihiin dadkeeda, sida uu hadalka u dhigay.
“Hirshabelle waxaa la haray hogaan xumo eber ka hooseeysa, horukac la’aan heer kastamiyo dadkeedii oo qeybsan oo aan hishiis aheyn” ayuu yiri xildhibaan Macallimuu.
Intaasi kadib waxaa soo jawaabay afhayeenka Cali Guudlaawe oo lagu magacaabo Daa’uud Xaaji Cirro, kaas oo naqdiyay hadalka Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu, isaga oo xasuusiyay doorashadii uu kusoo baxay iyo garabkii uu ka helay madaxweynaha.
“Xildhibaan Mohamed Ibrahim Moalimuu Galabtii geediga ahayd ee meel walba faashadaha kaaga duubnaayeen oo aad lahayd kursi ayaan rabaa ee Madaxweynaha Barakeysan Cali Guudlaawe ii geey ma i lowday. Soo ma ahayn qofkii habeen hore dhahayay Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar qof ayaa loo magacaabay ee Madaxweynaha lacag ii qaad” ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Ina ibraahinow abaal dhaan waa jiraa waana mid meel kuu taal tankale Cali Kursigiisa waa ku fadhiyaa waana ku fadhidoonaa ee cidaad ka adag tahay baad ka qaado”.
HirShabelle ayaa haatan ku jirta xaalad adag oo ay ugu horreeyaan dagaal beeleedyada oo saameyn ku yeeshay deegaanada maamulkaasi, waxaana ugu dambeeyay dhacdadii askarta lagu laayay ee dhowaan ka dhacday deegaanka Ceel Baraf ee Shabeelaha Dhexe.