GUDOOMIYE KU-XIGEENKA SIYAASADDA IYO MAALIYADA GOBALKA HIIRAAN MUDANE XASAN IBRAAHIM CABDULLE OO AAY WEHLIYAAN GUDOOMIYE KU-XIGEENKA DIB U-HISHIISINTA IYO FADARAALKA MAAMULKA GOBALKA HIIRAAN ISKU-DUWAHA MAALIYADA GOBALKA MUDANE CIILOOW CABDULAAHI CAWAALE (JOOBANE ), IYO GUDOOMIYAHA DEGMADA MATABAAN EE Maamulka Gobolka Hiiraan MUDANE BASHIIR SHEEKEEYE, AYAA KA QEEYB-GALAY MUNAASABADA DABAALDAGA CURASHADA DOWLADA HIRSHABELLE OO LAGU QABTAY DEGMADA MATABAAN EE GOBALKA HIIRAAN.
Xaflad heer sare ah oo aay soo agaasimeen Maamulka heer gobal iyo heer degmo Kana Qeeyb-galeen gudoomiye ku-xigeenka siyaasadda Iyo maaliyada gobalka hiiraan oo aay wehliyaan Gudoomiye ku-xigeenka dib-uhishiisinta iyo Fadaraalka , isku duwaha maaliyada gobalka Hiiraan iyo gudoomiyaha degmada Matabaan masuuliyiin ka tirsan maamulada degmooyinka Gobalka hiiraan Iyo saraakisha hay’addaha amniga iyo Boqolaal Dadweyne ah ayaa munaasabadda ka qeeyb-galay.
Gudoomiye ku-xigeenka siyaasadda iyo Maaliyada Gobalka Hiiraan ayaa xusay in caawo lagu Dabaal Dago degmada matabaan dhismahii Dowlad Gobaleedka Hirshabeele aay ka dhigan tahay guushii halgankii aay bixisay Dowlad Gobaleedka Hirshabeele ugu horeeyo madaxweyne Cali guudlaawe xuseen ee lagu xureeyey Deeganada Hirshabelle guud ahaan ee khawaariijta ineey Tahay mid miro dhashay ayadoo la helay dhamaan kabayaashii dowladnimada heerarkeeda.
Maamulka degmada Matabaan iyo guud ahaan shacabka ayaa hambalyo u diray shacabka Hirshabeele hogaanka sare ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeele iyo Golayaasha dowladda Hirshabelle.
DHAMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MAAMULKA GOBALKA HIIRAAN EE DOWLADA HIRSHABELLE.