Maamulka Gobolka Bakool iyo Degmada Xuddur oo si adag uga hor yimid madaxweynaha sharci darrada ku jooga Koonfur Galbeed mowqif cadna ka qaatay .
Maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmada Xuddur ayaa si adag uga hor yimid madaxweynaha sharci darrada ku jooga Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Maamulka ayaa sheegay in ay taageersan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo cadeeyey in si toos ah ay ula shaqeyn doonaan dowladda ilaa laga helo maamul sharci ah.
Sidoo kale, waxay taageereen dastuurka dalka ee dhowaan uu ansixiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

