Close Menu
    What's Hot

    War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

    February 23, 2026

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

      February 23, 2026

      Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

      February 22, 2026

      DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

      February 22, 2026

      Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

      February 22, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

      February 23, 2026

      Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

      February 22, 2026

      DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

      February 22, 2026

      Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

      February 22, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Maamulka ABIY AHMED oo xiray wariye Faransiis ah iyo xaaladda Itoobiya oo qasan

    Maamulka ABIY AHMED oo xiray wariye Faransiis ah iyo xaaladda Itoobiya oo qasan

    By radiohalgan.comFebruary 28, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Maamulka Abi ayaa xabsiga dhigay weriye u dhashay dalka Faransiiska oo booqasho ku tagay dalkaas, kaddib markii lagu eedeeyay inuu qayb ka ahaa β€œshirqool lagu doonayay in qalalaase laga abuuro” dalka ku yaalla bariga Afrika.

    Antoine Galindo, oo ah wariye u shaqeeya shabakada wararka ee Africa Intelligence (AI) ee fadhigeedu yahay magaalada Paris ee dalka France, ayaa waxaa xiray ciidamo dhar cad ah oo ka tirsan ciidamada amaanka ee Ethiopian Skylight hotel khamiistii, sida ay sheegtay gudiga difaaca saxafiyiinta ee CPJ.

    Wakhtigaas, Galindo waxa uu waraysi la yeeshay Bate Urgessa, oo ah afhayeenka jabhadda Oromada ee OLF, oo ah xisbi mucaarad ah oo si sharci ah u diiwaangashan. Bate sidoo kale waa la xiray, kooxda xuquuqda ayaa tiri.

    Galindo ayaa dalka Itoobiya u joogay warbixin ku saabsan shir-madaxeedka ururka Midowga Afrika iyo warar kale, sida ay sheegtay AI. Waxa ay sheegtay in uu haysto dal-ku-gal u ogolaanaya in uu dalka ka shaqeeyo, maamulkuna ay ka warhayaan hawsha loo diray.

    AI waxay ku tilmaantay xarigga Galindo mid β€œcudur-la’aan” wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo. β€œEedayntan beenta ah kuma salaysna wax caddayn ah oo la taaban karo oo marmarsiinyo u noqon kara xorriyadda laga qaaday sii fiditaanka,” ayay tidhi.

    Sabtidii, garsoore ku sugan Addis Ababa ayaa diiday codsiga Galindo ee dammaanad, wuxuuna kordhiyey sii hayntiisa illaa 1-da Maarso, ka dib markii booliisku uu codsaday waqti dheeraad ah oo uu ku baadho taleefankiisa, sida ay sheegtay CPJ, iyadoo soo xiganaysa qareenka Galindo.

    Albaabka dhimashada’: quus ka taagan Itoobiya iyadoo dhibaatada gaajadu sii kordhayso
    Galindo ayaa lagu eedeeyay in uu la shirqoolay labo kooxood oo fallaago ah, balse bilaysku weli ma bixin wax caddayn ah oo la taaban karo oo ku saabsan sheegashadan, qareenka ayaa u sheegay CPJ.

    β€œXadhiga aan sal iyo raad toona lahayn ee Antoine Galindo ee lagu hayo gudashada waajibaadkiisa saxafinimo waa mid aad looga xumaado, mas’uuliyiinta Itoobiya waa in ay si degdeg ah u sii daayaan shuruud la’aan,” ayay tiri Angela Quintal, madaxa barnaamijka CPJ ee Afrika

    Markii ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu xukunka qabtay sannadkii 2018-kii wuxuu ballan-qaaday inuu joojinayo caburinta, wuxuuna xabsiga ka sii daayay kumannaan maxaabiis ah oo u xirnaa arrimo siyaasadeed. Si kastaba ha ahaatee, dowladiisa ayaa cadaadis ku saartay mucaaradka intii uu socday dagaalkii 2020-2022 ee waqooyiga gobolka Tigray waxayna eriday saxafiyiin ajnabi ah ama u diiday fiisaha.

    Dhowr saxafiyiin ajnabi ah ayaa la ceyriyay intii uu socday dagaalka Tigray, laakiin waddanku dhif iyo naadir ayuu u xiraa suxufiyiinta ajnabiga ah muddo dheer. Kiiskii ugu dambeeyay wuxuu ahaa 2011 markii laba wariye oo Swedish ah la xiray ka dib markii ay si sharci darro ah ku galeen Itoobiya si ay uga warbixiyaan jabhad. Labadan qof ayaa lagu eedeeyay dambiyo argagixisanimo balse la sii daayay iyadoo qayb ka ah cafis ballaaran sanadka soo socda.

    Itoobiya ayaa hadda la daalaa dhacaysa kacdoonno ka dhan ah Oromiya iyo Axmaarada oo ah labada gobol ee ugu weyn, halkaasoo lagu eedeeyay ciidamada dowladda. Xaalad deg deg ah ayaa tan iyo bishii August ka jirtay Axmaarada, taasoo hakisay xoriyadii shacabka ee halkaasi ka jirtay.

    Dowladda Itoobiya ayaan weli ka hadlin xarigga Galindo.

    (Turujume: Mohamed Abdi Osman (Faradhere)

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

    February 23, 2026

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

    February 23, 2026

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.