Marka hore dowladda waxa laga rabaa in ay markasta weerar ahaato ee aysan difaac ahaanin. Shabaab waxa lagu cuuryaamin karaa in aan fursad lasiin oo markasta labaacsado
Marka 2-aad digniinaha dowladaha shisheeye soo sarayaan dalka ayay cuuryaaminayaan dhaqaala ahaan iyo siyaasad ahaan sidaas darteed, waa in dowladdu ay ka bixiso jawaab macno leh, waayo haddii ay aamusto waxay noqoneysaa in amnigeeda iyo mustaqablkeeda ay dowlado shisheeye u hayaan waana nasiib darro dalkana waa cuuryaamineysaa.
Waa wax laga naxo in duulaamiyaddii dalka hakad galaan fariin dal kale katimid darteed. Waa sax in fariimaha dhab loo qaato, balse kuma habboona sida dowladdu u maareysay.
Ugu dabeyn waxan ugu baaqayaa dowladda in AS. habbeen iyo maalin loo diido hergelmo iyo hoyaad, taas oo lagu yareyn karo dhimashada askarta iyo waxyeelada shacabka laguna soo afmeeri karo waqti kooban.
==== Dad Dalka U Siman ====