Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

    October 4, 2025

    Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

    October 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025

      Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

      October 4, 2025

      DEG-DEG: Qarax ka dhacay Godka Jilocow &

      October 4, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Khasaare ka dhashay qarax ismiidamin ah oo ka dhacay dalka Pakistan

      September 30, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu ula kulmi laha Donald Trump.

      September 27, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025

      Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

      October 4, 2025

      DEG-DEG: Qarax ka dhacay Godka Jilocow &

      October 4, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Ma runbaa in Israa’iil ay Qasa ka xadday aathaar qadiimi ah

    Ma runbaa in Israa’iil ay Qasa ka xadday aathaar qadiimi ah

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 23, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Sherine Sharif

    BBC Fact Finding

    Muuqaal dhawaan la faafiyay ayaa muujinaya askar ka tirsan ciidanka Israa’iil oo ku jira bakhaar ku yaalla Qasa oo la sheegay in ay ka dhacayeen waxyaabo qadiimi ah.

    Dadka faafiyay muuqaalka ayaa sheegay in lagu baahiyay barta Instagram-ka ee agaasimaha hay’adda ilaalisa agabka qadiimiga Israa’iil, Elie Esquisido.

    Waxaa uu Muuqaalka muujinayay askar ka tirsan ciidamada Israa’iil oo ku dhex jira bakhaar ay ka buuxaan agabyo qadiimi ah oo lagu kaydiyay.

    Muuqaalkan ayaa laga dhex maqlayay hadalka askar Israa’iil ah oo u yeeray askari kale oo ku hadlay luuqada cibriga, lehna “kaalay oo arag jijjimahan”.

    Fiidiyowga waxaa la socday qoraal uu qoray Elie Escuzedo oo u qornaa sidaan “Maareeye ku xigeenka Hay’adda qadiimiga Israa’iil wuxuu aaday Qasa si uu u kormeero bakhaar ay ka buuxaan waxyaabo qadiimi ah,”

    BBC-da ayaa xaqiijisay in muqaalka laga duubay bakhaar agabyo qadiimi ah ay ku jiraan, kooxo filim sameeyayaal ah ayaa muqaalka duubay sanadkii 2019.

    Markii muqaalka la duubay waxaa goobjooga ahaa khabiirka arrimaha qadiimiga ah ee Falastiin Fadl Al-Aloul.

    Sawir kale ayaa lagu faafiyay qaar ka mid ah baraha bulshada waxaana lagu arkay agabyo qadiimi ah oo ku jira sanduuq dhalo ah waxaan lagu soo bandhigay dhismaha Knesset ee Israa’iil.”

    After realizing that he f***ed up, and this case will already be submitted to the Hague.

    Here he alleged tonight to cover up, that they were merely inspecting it, and the items were left in place.🤥 pic.twitter.com/70UI4x19A6

    — Younis Tirawi | يونس (@ytirawi) January 22, 2024

    Si aan u xaqiijino, sax ahaanta sawirrada, waxaana tixraac ku sameynaya dhammaan xisaabaadka agaasimaha Hay’adda waxyaabaha qadiimiga ee Israa’iil, Elie Escuzido,iyo baraha bulshada ee gaarka ah ilaa aan helnay kanaal isaga loo nisbeeyey oo ah Telegram.

    Markii aan dib u eegis ku samaynay qoraalada akoonkan dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay, waxa aanu xaqiiqdii ka helnay sawiro laga soo qaaday muuqaalka wareegaya, iyo sawir kale kuwaas oo xaqiijinaya in laga soo qaaday bakhaar ku yaala Qasa, waxaana muqaalka laga duubay jahada Jidka Al-Rashid, kasoo horjeedka xeebta Qasa.

    Sawirrada waxaa la socday isla faallooyinka lagu qoray muuqaalka hore loogu faafiyay baraha bulshada ee askarta Israa’iil ee gudaha bakhaarka.

    Waxaan sidoo kale helnay sawirro qaar qadiimi ah oo u dhigma sawirradii hore loo faafiyey ee waxyaalaha qadiimiga ah ee gudaha Knesset.

    Marka loo eego Axdiga Hague ee Ilaalinta Hantida dhaqanka ee xaaladaha dagaalka, kaas oo Israa’iil ay saxiixday, wareejinta alaabada qadiimiga ah ee dhulalka la haysto waa mamnuuc, waxaa loo arkaa booli hanti dhaqameed, waxayna ka dhigan tahay ku xadgudub sharciyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, sida lagu faahfaahiyay Axdiga Madaniga, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Xuquuqda Bulshada.

    Waxa aanu isku daynay in aanu la xiriirno Eli Escuzedo iyo Hay’adda Qadiimiga ah ee Israa’iil si aanu uga faalloonno xisaabaadka loo nisbeeyo, qoraalada kala duwan ee iyaga ku saabsan, iyo sababta ay Israa’iil dhab ahaantii u wareejisay agabkan, laakiin ilaa iyo hadda wax jawaab ah kamaanu helin.

    Salem oo ka mid ah taariikh yahanada reer Falastiin ayaa sheegay in dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ay ku burbureen meelo qadiimi ah oo uu aabihii ka dhaxlay, oo ay Israa’iil duqaymo ku burburisay, sida Masjidka weyn ee Omari, oo taariikhyahanadu sheegeen in uu jiro in ka badan 1,500 oo sano.

    “Taariikhdu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah qaabaynta aqoonsiga magaalo, dad iyo ilbaxnimo, marka la burburiyo waxay la macno tahay in la tirtiro aqoonsiga magaalada.” ayuu yir mid ka mid ah khabiirada reer Falastiin.

    pic.twitter.com/Z7jgHmGqHN

    — Younis Tirawi | يونس (@ytirawi) January 21, 2024
    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

    October 4, 2025

    Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

    October 4, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

    October 4, 2025

    Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

    October 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.