Wasaaradda Caafimaadka Lubnan ayaa shaacisay in mudada 13-ka bil ah ee uu socdo dagaalka u dhaxeeya Xisbullah iyo Isra’il gudaha Lubnan lagu dilay in ka badan 3,000 oo ruux.
Tiradan ayaa laba jeer ka badan dadki reer Lubnan ee lagu dilay dagaalki Xisbullah iyo Isra’il dhex maray 20 sano ka hor.
Ilaa iyo hadda ma jiraan calaamado muujinaya dhamaadka dagaalkan. Isra’il waxay sheegtay in ay waddo howlgallo ay ku beegsaneyso kaabayaasha Xisbullah meelo badan oo ka mid ah Lubnan, halka Xisbullah ay sii waddo gantaallada culus ee ay ku garaaceyso waqooyiga Isra’il.
Gantaaladaasi waxay billowday maalinti ay Hamaas weerartay koofurta Isra’il, 7-badi bishii October ee sannadki 2023-ki. Weerarkaas oo kiciyay dagaalka hadda socda ee u dhaxeeya Isra’il iyo Xamaas iyo Xisbullah oo dhanka kale ah, kuwaas oo taageero ka helaya Iran.
Dhanka kale Isra’il ayaa Isniinti shalay sheegtay in ay jabisay heshiis horay u jiray oo dhigayay in ay fududeyso shaqada hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka qaxootiga Falastiin ee UNRWA.
Hey’addan ayaa soo mara gargaarka bani’aadannimo ee ugu badan ee ay ku nool yihiin dadka reer Gaza.
Dhamaadkii bishi hore ayay aheyd marki uu baarlamaanka Isra’il ansixiyay sharci uu ku joojinayo wada shaqeynta UNRWA ee gudaha Isra’il.
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay cawaaqibka bani’aadannimo ee ka dhan kara tallaabadan.