Ciyaaro jaan iyo jiibleh ayaa lagu qaabilayaa markay sidaas ciida faraha u dhigeenba caasimadda Soomaaliya – wafdi ka socda Boqortooyada Sucuudiga kuwaas oo daahfuraya mashaariic cusub oo gargaar ah kuwaas oo dowladda sacuudigu ku xoojinayso xiriirkedda Soomaaliya.
Waloow heshiishkan yahay mid loogu deeqaayo buugaag carruuro iskuuleey ah iyo ceelal biyoodyo xoolahu ka cabaan, haddana qaar saraakiisha Soomaalida kamid ahi waxay qabaan in waxtarka Sacuudigu intaas ka bato, oo uu dhanka amaankana Soomaaliya ka caawiyo.
Soomaaliya waxaa ragaadiyay dagaalo ay kula jirto sannado badan koox islaam sheegad ah. “Soomaaliya waxay ku jirtaa geedi dowlad dhis ah,” ayuu u sheegay AFP Cabdifataax Maxamed oo ah agaasimaha qorsheynta iyo siyaasadda ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya intii lagu guda jiray booqashadii halka maalin ahayd.
“Waxaan ka dhiseynaa ciidamadeenna qalabka, si aan amnigeenna u sugno, waxaan dib u dhiseynaa dhaqaalaheena. Markaa arrintaa, (Sacuudigu) wax badan ayuu qaban karaa.”
Sannadkii la soo dhaafay, iyada oo loo marayo shirar si heersare ah loo agaasimay iyo mashaariic bini’aadantinimo, mas’uuliyiinta Sucuudigu waxay si joogto ah u muujiyeen rabitaan ah in ay “wax badan ka qabtaan” gobolka Geeska Afrika ee Badda Cas.
Arrintaan ku’aadan dalalka dhaca badda cas ayaa si weyn u muuqatay, kadib jawaabtii ay Riyaad ka bixisay dagaalkii sokeeye ee ka qarxay Suudaan, kaas oo ay ciidamadeeda badda u direen maraakiib dagaal si ay u badbaadiyaan dadka rayidka ah ee qaxaya, xilli diblumaasiin ay u fadhiyeen Jedah kulan wadahadal nabadeed.
“Waxaa jira ciyaar [lamidda] tan bisadda iyo jiirka oo u dhaxeysa Imaaraatka iyo Sacuudiga [oo ka socota] gobolka hadda,” ayuu yiri Cameron Hudson oo ka tirsan xarunta istaraatiijiyadda iyo daraasaadka caalamiga ah ee Washington. “Waxay ka faa’iidaysanayaan xiriirkooda wadamadaan gobolka ku yaala ayuu sii raaciyay.
Saraakiil ka tirsan Hay’adda gargaarka ee Sacuudiga (KS Relief) ayaa Soomaaliya yimid xilli walaac xoogan laga muujinaayo farogelinta shisheeyaha, gaar ahaan Imaaraadka.
1-dii Bisha Janaayo, Jamhuuriyadda Iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqay ee Somaliland ayaa heshiish dhigaya in ay Ethiopia siiyaan saldhig ciidan oo 20KM ah oo xeebta ku yaala muddo 50 sanno ah, iyagana ay noqon doonaan dalkii ugu horreeyay ee Somaliland u aqoonsada dal madaxbanaan la gashay dawladda Itoobiya. Taas oo si daran uga cadhaysiisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xidhiidhka dhow ee Imaaraadku la leeyahay labada dhinac ee Ethiopia iyo Somaliland ayaa sii huriyay tuhunka laga qabo Imaraadku in uu kul lugleeyahya heshiishkan, balse AFP oo codsatay arrinkaan in ay waxka dhahdo kama jawaabin Imaaraadku.
Cumar Maxamuud oo ah khabiir sare oo ka tirsan Hay’adda Xasadaraha Adduunka ee Bariga Afrika, ayaa sheegay in uusan aaminsanayn in Imaaraadku wax ka wado heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, maadaama oo uu tartan dhibaatoleh u keeni karo Dekedda Berbera ee Somaliland oo ay maamusho shirkadda DP World ee Dubai. Laakiin, balse waxuu sheegay in xiisadda kacday in ay fursado u abuurtay wadamo dibadda ah sida, Sacuudiga, Turkiga iyo Masar.
Loolanka jiitamaayay muddaba ee wadamada khaliijka u dhexeeyay ee ku aadan arrimaha Soomaaliyana ayaa u muuqda in uu gaadhay figtii ugu sareysay, Sacuudiga, Imaraadka, iyo Qatar ayana u muuqataa midiba midka kale in uu doonayo in uu kaga saamayn bato Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa siyaasadeedu tahay mid dhexdhexaad ah oo cadaawad muuqata midnaba aan la lahayn.
Shidaalka lagasoo saaraayo Soomaaliya
Isla Bishan Febraayo Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa warreysi uu siiyey BBC-da ku sheegay in Soomaaliya ay dabayaaqada sanadkaan la soo saari doono shidaalkii ugu horeeyay ee laga qodi doono gudaha Soomaaliya.
Dhawaan waxaa khubaro ka socota Hay’adda Batroolka Soomaaliya ay booqdeen deegaanno ka tirsan Galmudug, gaar ahaan degmada Hobyo, halkaas oo ay maamulka iyo dadka deegaanka kala hadleen saamaynta dhinaca deegaanka ee ay yeelan karto shidaal soo saaristiisu.
Soomaaliya ayaa leh keyd shidaal oo badan walise dalka lagama soo saarin.
Arrimahaan gobolka kadhacaya iyo isku dayada ay wada dowladda Soomaaliya ayaana noqonaya kuwo Soomaaliya dhex dabaalsiinaya mowjaddo siyaasadeed oo gudaha iyo dibaddaba ah.
Wasiirka Batroolku wuxuu xaqiijiyey in xilligan la joogo ay diyaar yihiin in la qodo illaa 7 xirmo oo ku kala yaala bartamaha iyo koonfurta Soomaliya, ku waas oo ku kala yaala Galmudug (3 xirmo), Koonfur Galbeed (2 xirmo) iyo Jubaland (2), kuwaas oo sida qorshuhu yahay lagu talo jiro in laga soo saaro shidaal la doonayo in mustaqbalka la dhoofiyo.
Ku dhawaaqista soo saarista Shidaalka Soomaaliya iyo loolanka siyaasadeed wadamadu ugu jiraan ka faa’iidaysiga kheyraadka dalka ee xilligaan ayaana ah arrimo mudan in la darso.
Heshiiska difaac ee Turkiga
Kadib heshiiskii dhex maray Itoobiya iyo Somaliland guud ahaanba waxaa muuqata siyaasadii arrimaha dibadda ee Soomaaliya in ay xagal wareegtay go’aanno waaweyna dowladda Soomaaliya ay qaaday.
Soomaaliya waxay heshiis difaac la gashay dowladda Turkiga oo illaalin doonta xeebaha Soomaaliya muddo 10 sanno ah, ciidamada badda ee Turkiga ayaana gaafwareegi doona xeebaha Soomaaliya iyagoo sidoo kale tababari doono ciidamo badeed oo Soomaaliya leedahay.
Wasiirka qoraal uu bartiisa X soo dhigayna waxuu ku yidhi isagoo ka hadlaayay heshiishka “Ama buur ahoow, ama buur ku tiirsanoow.”