Close Menu
    What's Hot

    Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

    March 1, 2026

    Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

    March 1, 2026

    DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

    March 1, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

      March 1, 2026

      Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

      March 1, 2026

      DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

      March 1, 2026

      DEG DEG Dawladda Iran ayaa si rasmi ah u xaqiijisay geerida hoggaamiyihiin sare ee Iran Aayatullaahi Cali,

      March 1, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

      March 1, 2026

      Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

      March 1, 2026

      DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

      March 1, 2026

      DEG DEG Dawladda Iran ayaa si rasmi ah u xaqiijisay geerida hoggaamiyihiin sare ee Iran Aayatullaahi Cali,

      March 1, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Loolanka dalalka ugu jiraan Soomaaliya xilli la shaaciyey goorta lasoo saarayo shidaalka

    Loolanka dalalka ugu jiraan Soomaaliya xilli la shaaciyey goorta lasoo saarayo shidaalka

    By radiohalgan.comFebruary 24, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Ciyaaro jaan iyo jiibleh ayaa lagu qaabilayaa markay sidaas ciida faraha u dhigeenba caasimadda Soomaaliya – wafdi ka socda Boqortooyada Sucuudiga kuwaas oo daahfuraya mashaariic cusub oo gargaar ah kuwaas oo dowladda sacuudigu ku xoojinayso xiriirkedda Soomaaliya.

    Waloow heshiishkan yahay mid loogu deeqaayo buugaag carruuro iskuuleey ah iyo ceelal biyoodyo xoolahu ka cabaan, haddana qaar saraakiisha Soomaalida kamid ahi waxay qabaan in waxtarka Sacuudigu intaas ka bato, oo uu dhanka amaankana Soomaaliya ka caawiyo.

    Soomaaliya waxaa ragaadiyay dagaalo ay kula jirto sannado badan koox islaam sheegad ah. β€œSoomaaliya waxay ku jirtaa geedi dowlad dhis ah,” ayuu u sheegay AFP Cabdifataax Maxamed oo ah agaasimaha qorsheynta iyo siyaasadda ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya intii lagu guda jiray booqashadii halka maalin ahayd.

    β€œWaxaan ka dhiseynaa ciidamadeenna qalabka, si aan amnigeenna u sugno, waxaan dib u dhiseynaa dhaqaalaheena. Markaa arrintaa, (Sacuudigu) wax badan ayuu qaban karaa.”

    Sannadkii la soo dhaafay, iyada oo loo marayo shirar si heersare ah loo agaasimay iyo mashaariic bini’aadantinimo, mas’uuliyiinta Sucuudigu waxay si joogto ah u muujiyeen rabitaan ah in ay β€œwax badan ka qabtaan” gobolka Geeska Afrika ee Badda Cas.

    Arrintaan ku’aadan dalalka dhaca badda cas ayaa si weyn u muuqatay, kadib jawaabtii ay Riyaad ka bixisay dagaalkii sokeeye ee ka qarxay Suudaan, kaas oo ay ciidamadeeda badda u direen maraakiib dagaal si ay u badbaadiyaan dadka rayidka ah ee qaxaya, xilli diblumaasiin ay u fadhiyeen Jedah kulan wadahadal nabadeed.

    β€œWaxaa jira ciyaar [lamidda] tan bisadda iyo jiirka oo u dhaxeysa Imaaraatka iyo Sacuudiga [oo ka socota] gobolka hadda,” ayuu yiri Cameron Hudson oo ka tirsan xarunta istaraatiijiyadda iyo daraasaadka caalamiga ah ee Washington. β€œWaxay ka faa’iidaysanayaan xiriirkooda wadamadaan gobolka ku yaala ayuu sii raaciyay.

    Saraakiil ka tirsan Hay’adda gargaarka ee Sacuudiga (KS Relief) ayaa Soomaaliya yimid xilli walaac xoogan laga muujinaayo farogelinta shisheeyaha, gaar ahaan Imaaraadka.

    1-dii Bisha Janaayo, Jamhuuriyadda Iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqay ee Somaliland ayaa heshiish dhigaya in ay Ethiopia siiyaan saldhig ciidan oo 20KM ah oo xeebta ku yaala muddo 50 sanno ah, iyagana ay noqon doonaan dalkii ugu horreeyay ee Somaliland u aqoonsada dal madaxbanaan la gashay dawladda Itoobiya. Taas oo si daran uga cadhaysiisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Xidhiidhka dhow ee Imaaraadku la leeyahay labada dhinac ee Ethiopia iyo Somaliland ayaa sii huriyay tuhunka laga qabo Imaraadku in uu kul lugleeyahya heshiishkan, balse AFP oo codsatay arrinkaan in ay waxka dhahdo kama jawaabin Imaaraadku.

    Cumar Maxamuud oo ah khabiir sare oo ka tirsan Hay’adda Xasadaraha Adduunka ee Bariga Afrika, ayaa sheegay in uusan aaminsanayn in Imaaraadku wax ka wado heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, maadaama oo uu tartan dhibaatoleh u keeni karo Dekedda Berbera ee Somaliland oo ay maamusho shirkadda DP World ee Dubai. Laakiin, balse waxuu sheegay in xiisadda kacday in ay fursado u abuurtay wadamo dibadda ah sida, Sacuudiga, Turkiga iyo Masar.

    Loolanka jiitamaayay muddaba ee wadamada khaliijka u dhexeeyay ee ku aadan arrimaha Soomaaliyana ayaa u muuqda in uu gaadhay figtii ugu sareysay, Sacuudiga, Imaraadka, iyo Qatar ayana u muuqataa midiba midka kale in uu doonayo in uu kaga saamayn bato Soomaaliya.

    Dowladda Soomaaliya ayaa siyaasadeedu tahay mid dhexdhexaad ah oo cadaawad muuqata midnaba aan la lahayn.

    Shidaalka lagasoo saaraayo Soomaaliya

    Isla Bishan Febraayo Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa warreysi uu siiyey BBC-da ku sheegay in Soomaaliya ay dabayaaqada sanadkaan la soo saari doono shidaalkii ugu horeeyay ee laga qodi doono gudaha Soomaaliya.

    Dhawaan waxaa khubaro ka socota Hay’adda Batroolka Soomaaliya ay booqdeen deegaanno ka tirsan Galmudug, gaar ahaan degmada Hobyo, halkaas oo ay maamulka iyo dadka deegaanka kala hadleen saamaynta dhinaca deegaanka ee ay yeelan karto shidaal soo saaristiisu.

    Soomaaliya ayaa leh keyd shidaal oo badan walise dalka lagama soo saarin.

    Arrimahaan gobolka kadhacaya iyo isku dayada ay wada dowladda Soomaaliya ayaana noqonaya kuwo Soomaaliya dhex dabaalsiinaya mowjaddo siyaasadeed oo gudaha iyo dibaddaba ah.

    Wasiirka Batroolku wuxuu xaqiijiyey in xilligan la joogo ay diyaar yihiin in la qodo illaa 7 xirmo oo ku kala yaala bartamaha iyo koonfurta Soomaliya, ku waas oo ku kala yaala Galmudug (3 xirmo), Koonfur Galbeed (2 xirmo) iyo Jubaland (2), kuwaas oo sida qorshuhu yahay lagu talo jiro in laga soo saaro shidaal la doonayo in mustaqbalka la dhoofiyo.

    Ku dhawaaqista soo saarista Shidaalka Soomaaliya iyo loolanka siyaasadeed wadamadu ugu jiraan ka faa’iidaysiga kheyraadka dalka ee xilligaan ayaana ah arrimo mudan in la darso.

    Heshiiska difaac ee Turkiga

    Kadib heshiiskii dhex maray Itoobiya iyo Somaliland guud ahaanba waxaa muuqata siyaasadii arrimaha dibadda ee Soomaaliya in ay xagal wareegtay go’aanno waaweyna dowladda Soomaaliya ay qaaday.

    Soomaaliya waxay heshiis difaac la gashay dowladda Turkiga oo illaalin doonta xeebaha Soomaaliya muddo 10 sanno ah, ciidamada badda ee Turkiga ayaana gaafwareegi doona xeebaha Soomaaliya iyagoo sidoo kale tababari doono ciidamo badeed oo Soomaaliya leedahay.

    Wasiirka qoraal uu bartiisa X soo dhigayna waxuu ku yidhi isagoo ka hadlaayay heshiishka β€œAma buur ahoow, ama buur ku tiirsanoow.”

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

    March 1, 2026

    Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

    March 1, 2026

    DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

    March 1, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

    March 1, 2026

    Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

    March 1, 2026

    DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

    March 1, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.