Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

    October 12, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025

      Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

      October 4, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Khasaare ka dhashay qarax ismiidamin ah oo ka dhacay dalka Pakistan

      September 30, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Liverpool Oo Xasuuq Ay U Geysatay Norwich Ugu Gudubtay Wareegga Shanaad Ee FA Cup

    Liverpool Oo Xasuuq Ay U Geysatay Norwich Ugu Gudubtay Wareegga Shanaad Ee FA Cup

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 28, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa iska xaadirisay wareegga shanaad ee tartanka FA Cup oo ay iskugu soo hadhayaan 16 kooxood oo isku-aadkooda la samayn doono goordhow, waxaana Reds ay 5-2 ku karbaashtay Norwich oo xammili weyday cadaadis badan oo ay xiddigaha Reds ku saareen Anfield.

    Shan gool oo ay kala qaybsadeen shan ciyaartoy ayaa Liverpool u diray wareegga shanaad ee FA Cup, sidoo kalena Jurgen Klopp oo ay u ahayd ciyaartiisii koowaad ee tan iyo intii uu shaaciyey inuu ka tegayo naadigan ay dheelaan, ayaa si weyn ugu dabbaal-degay guushan oo u xaqiijisay inay ku tartamayaan dhamaan afartii koob ee ay loollankooda soo bilaabeen bilowgii xilli-ciyaareedka.

    Curtis Jones ayaa noqday aftax wanaagsan oo madax ku dhaliyey goolka koowaad ee Liverpool daqiiqaddii 16aad ee qaybta hore, laakiin kooxda martida ee heerka labaad ee Norwich ayaa lix daqiiqadood kaddib keentay goolka barbarraha oo uu madax ugu saxeexay Ben Gibson oo kubbad koorne ahayd la kulmay.

    Liverpool oo inta badan maamulaysay ciyaarta ayaa waxa hoggaanka usii dheereeyey Darwin Nunez daqiiqaddii 28aad, markaas oo uu xerada ganaaxa ka helay kubbad uu si xarrago leh uga soo shaqeeyey da’yarka bandhigga heerka sare ah sameeyey ee Conor Bradley, waxaana qaybta hore lagu kala nastay natiijo 2-1 ah oo ay hoggaanka ku hayso Liverpool.

    Ciyaartan oo Liverpool ay usoo laabteen Andy Robertson, Dominik Szoboszlai iyo Alexander-Arnold oo kasoo kabtay dhaawac ay muddo u jiifeen, ayaa waxa uu Jurgen Klopp kusoo bilaabay ciyaartooyo da’yar u badan oo uu nasiyey xiddigihiisa waaweyn inta badan.

    Daqiiqaddii 53aad ayay Liverpool hoggaanka kusii dheeraysatay gool qurux badan oo uu u saxeexay Diogo Jota oo noqday saaxiibka shabaqa tan iyo markii uu kasoo kabtay dhaawac uu muddo u jiifay, halka Vigil van Dijk oo beddel kusoo galay uu goolka afraad madax ku dhaliyey markii uu la kulmay kubbad koorne ahayd oo uu soo qaaday Szoboszlai oo isaguna beddel kusoo galay.

    Norwich ayaa u muuqatay inay dib usoo laabanayso, waxaanay dhalisay laba gool oo degdeg ahaa oo midkood laga diiday markii lagu xaqiijiyey inay offside ku jireen.

    Ryan Gravenberch oo khadka dhexe ka dheelayey ayaa daqiiqaddii ugu dambaysay waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta lagu daray, waxa uu madax ku dhaliyey goolka shanaad ee Liverpool oo ahaa kubbad uu darbad xooggan dhulka ku dhuftay Conor Bradley oo uu madax la haleelay laacibka reer Netherlands.

    Liverpool ayaa sidaas ugu soo gudubtay wareegga shanaad ee FA Cup ama wareegga 16ka, waxaanay hadda sugayaan nasiibkooda kooxda ay ku dhici doonaan isku-aadka la samaynayo.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Thierry Henry Oo Sheegay Sababta Uu Bellingham Uga Niyad Jabsanyahay Mbappe.

    November 6, 2024

    Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle Mudane Yusuf Cabdi Farax ayaa maanta magaalada Baladwayne ka furay qorshe howleedka nabadda iyo amniga

    November 5, 2024

    Carragher Oo Saadaaliyay Shaxda Ruben Amorim Ee Man United.

    November 5, 2024
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

    October 12, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.