Wasiirka arrimaha Gudaha Ee Maamulka Hirshabeele waaa inuu Meel kuqortaa dadka horboodayo Maamulka Hiiraan-State islamarkaane lagula xisaabato dhibaatoiyinkii Maanta ilaa shalay kadhacay G/ka.
Looma dulqaadan doono shacbi Sooman in laga qixiyo guryahooda iyo goobahooda ganacsi iyadoo lagu guda jiro bil barakeysan oo loobaahan yahay inleys cafiyo balse taas bedelkeedu ay Rag dano gaara kaleh gobolka Hiiraan in dhiig ay kadaadiyeen gobolka taasoo laga aqbalidoonin islamarkaaane lagula xisaabatami doono dhiigii ,dhaawcii iyo bilo-bilaqdii maanta kadhcday degmadda Beletwein
Ugu dambeyn waxaan wada ogsoonahay ineey jirto Tabasho reer Hiiraan qabaan balse waxaaa nasiib daro ah in rag damacyo kale leh ay marrin habaabiyaan shacbiga Soomaaliyeed iyo gaar ahaan shacbiga reer beletwein.
waxaan kubaaqayaa in lajoojiyo dhibaatooyinka lagu haayo shacbiga degmadda beletwein waxaan kaloon baaq u dirayaa Odoyaasha,Cumulamadda,aqoonyahanadda ,dhalinyarada iyo haweenka kasoo jeedo degmada beletwein ineey qoraan shaqsiyaadka dhibaatooyinka kawada degmada si loola xisaabatmo isla.arkaane loogu gudbiyo Laamaha amniga iyo Meel walba oo talaabo sharciga waafaqsan looga qaadi karayo.
.