Lataliyaha Madaxweynaha xiriirka dowlad goboleydyada Mudane Mohamed Hassan Ibrahim Qoono ayaa bartiisa Facebook iyo Twitter ee X ku qoraay qoraal hoos kaga muuqdo
Mudane Qoono ayaa yiri
Waxaan maanta kulan la qaatay gudoomiyaha gobalka Hiraan ee dowlada Hirshabelle iyo dhamaan gudoomiyaasha degmooyinka sida Beledweyne, Matabaan, iyo Buuloburde.
Waxaana ka wada hadalnay sidii loo dardargalin lahaa sugidda amniga guud ee gobolka Hiiraan, si loo helo adeegyada bulshada aasaasiga u ah sida Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha iyo Tamarta, si horumar waara loo gaarsiiyo dhamaan degmooyinka gobalka Hiiraan.
Waxaa tartan xoogan ka socdaa dhammaan gobolada iyo degmooyinka dalka waxaana kaalinta koobaad u rajeynayaa in gobalka Hiiraan ee dowlad goboleedka Hirshabelle galo.
Lataliyaha Madaxweynaha xiriirka dowlad goboleydyada Mudane Mohamed Hassan Ibrahim Qoono