lataliyaha Madaxweynaha JFS ee dhanka xiriirka dowlad goboleedyada ayaa barta twitter-ka iyo Facebook ku leeyahay ayoow ku qoray qoraal hoos.
Mudane Qoono ugu horeyn Waxaan aad iyo aad hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Shir weynaha kasocda degmadda maxaas ee gobalka hiraan ee uu so qaban qaabiyey Taliyaha Nabadsugida iyo Sirodoonka Qaranka Cabdullahi Maxmamed Cali (Sanbaloolshe) kaas oo ay kaso qeyb galeyn qeybaha kala duwen e bulshada hadey noqoto Siyaasiyiin, Nabadoono, Waxgardka deegaanadaas,
Shirka maxaas waa guusha reer hiiraan
Shirka maxaas waa jabka Shabaab
Shirka maxaas kasocda waa mid mudan in loo hambalyeeyo lana garab istaago ,
Waxana uu kuso beegmay xiligii aadka loogu baahnaa,
F.G Si shirka uu u noqdo mid mira dhalo guulna laga gaaro waxaan ku talinayaa qodobadaan soo socda :
1. Waa in odayaasha dhaqanka iyo culumaa-udiinka ay doorkooda qaataan
2. Siyaasiyiinta iyana waa in ay doorkooda qaataan
3. Si aan beri leysku eedin qof walba xilka uu bulshada u haayo lagu xurmeeyo haduu siyaasi yahay siyaasada lagu xurmeeyo haduu dhaqan yahayna dhaqanka lagu xurmeeyo, Si bulshada loogu adeego dhaqanka iyo siyaasada waa in ay isla shaqeyaan,
4. Somaliland iyo Puntland waxey ku dhismeen guurtida oo la xurmeeyo iyo guurtida oo siyaasiyiinta la shaqeysa,
5. Dhaqan aa siyaasi laheyn ma shaqeyn karo, Siyaasad aan dhaqan haysanna ma shaqeyn karto, sidaas awgeed waxaan dhamaan guurtida reer hiiraan ka codsanayaa Sida goballada kale guurti dooda u shaqeyso inyana ay u shaqeyaan.
Lataliyaha Madaxweynaha Xiriirka Dowladgoboleydyada Mudane Mohamed Hassan Ibrahim Qoono