Lataliyaha madaxweynaha JFS Mudane Qoono waxaan aad uga xumahay wixii maanta ka dhacay magalada Beledweyne
Waxaan aad uga xumahay wixii maanta ka dhacay magalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan inta ku dhimatayna Alle ha u naxariisto inta ku dhaawacantayna Alle ha caafiyo wixii halkaa ka dhacayna masuuliyadeeda waxa qadaa maamulka Hirshabelle.
Magaalo soo kabsasho ku jirta kana so kabaneysay fatahaadihii dhawaan ku dhuftay in loogu si daro duulaan iyo dagaal waa wax aad looga xumaado runtii waxa masuuliyadda qadanaya dadka halkaas jooga.
Waxaan ku baqayaa in laga wada shaqeyo nabada iyo horumarka guud ahaan gobalka Hiraan si loo helo xasilooni buuxda oo halkaas ka dhacdo.
Odayaasha, Wax garadka iyo Ugaasyada waxaan ugu baqayaa in ay ka shaqeeyaan nabada si loo helo xasilooni buuxda iyo horumar.
Lataliyaha madaxweynaha xiriirka dowladgoboleydyada Mohamed Hassan Ibrahim Qoono