Lataliyaha Madaxweynaha JFS ee dhanka xiriirka dowlad goboleedyada oo ku baaqay in la joojiyo colaadda ka soo cusboonaatay Galgaduud
Lataliyaha Madaxweynaha JFS
Maxamed Xasan Qoone oo ah lataliyaha Madaxweynaha JFS ee dhanka xiriirka dowlad goboleedyada dalka ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo colaadda ka soo cusboonaatay inta u dhexeysa Caabudwaaq iyo Xeraale ee gobolka Galgaduud, isagoo dalbaday in wax waliba lagu xaliyo miiska wada hadalka.
“Dadka Walaalaha ah ee ku dagaalamaya inta u dhexeysa Xeraale iyo Caabudwaaq waxaan leeyahay hala joojiyo colaadda, colaad wax guul ah lagama gaaro, Walaalaha dagaalamaya waxaan u jeedinayaa inay wax waliba ku xaliyaan miiska wada hadalka” ayuu yiri Qoone.