Xuseen Macalin Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda oo kaashanaysa Dowlad-Goboleedyada Xubnaha ka ah iyo Shacabka ay sii kordhinayaan dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.
Xuseen ayaa sheegay in kacdoonka ka dhanka ah ‘AS’ uu kasoo dhex billowday Dadka rayidka ah oo uu ku sifeeyay in ay fahmeen dhibaatooyinka ay u gaysanayaan sida xoolahooda, nasabnimadooda & naftooda beegsanayaan waa sida uu hadalka u dhigay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in ay ka faaiidaysatay kacdoonka Shacabka iyada oo u gurmatay isla markaana xoojisay sidaasina uu ku billowday kacdoonka haatan ka socda deegaanno kala duwan oo Gobollada Dalka.
“Shacabka Soomaaliyeed iyo Shabaab in ay kala guureen waxa ay kamid ahayd istaraatiijiyadda madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uu qorshuhu ahaa in dagaal xitaa cirka uu ku jiro lagu beegsado, Dowladdii tan ka horreysay uma gurman Dadkii kacdoonka ka billaabay maka ka faaiidayn tusaale Bakool kacdoonkii ka billowday, mudugta Koofurteed waa tii kacdoon kale ka kacay sida Bacaadwayne & Baxdo” Lataliyaha Amniga Qaranka MW JFS Xuseen Macallin.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in uu socdo abaabul xooggan oo ka dhan ah howlgallada looga soo horjeedo ‘AS’ Inkasta oo ay jiraan Dad u badan Siyaasiyiin oo su’aalo ka keenay sababta keentay gaabista ku yimid howlgalkaas.