Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose u magacaabay Ibraahin Aadan Cali Najax, halka Gobolka Baay uu u magacaabay Cali Aadan Wardheere Dooyow.
Cabdicasiis Laftagareen ayaa labada Guddoomiye uu magacaabay ka dalbaday in ay ka shaqeeyaan horumarinta Shabeelaha Hoose iyo Baay Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed sida lagu yiri digreetada magacaabista ah.
Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa horay usoo maamulay Gobolka Shabeelaha Hoose, muddo kaddib xilkaas waa laga qaaday, waxaana ugu dambeyn maanta dib loogu celiyay booskaas isaga oo maamulaya howlaha shaqo ee Koofur Galbeed ee Gobolkaas.
Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu isbaddel ku sameeyo qaar kamid ah Maamullada Gobolka Bakool iyo Degmooyinka kale ee Deegaannada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.
La soco wixii kasoo kordha