Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa daahfurey mashaariicda Xaldoon iyo Nagaad oo ah Mashaariic wax loogu qabanayo dadka Saamaysay Is bedelka Cimilada iyo Abaaraha.
Cabdicasiis Laftagareen Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa marka hore u mahadceliyay martidii ka soo qeyb gashay qeybaheedda kala duwan, Wasiirka Caddaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo marti sharafta kale, isga oo sheegay in ay labadaan mashruuc ay faa’iido weyn u leedahay dadka Koonfur Galdeed.
“Runtii Soomaaliya iyo adduunyada oo dhan waxaa jahwareer ku hayo isbeddelka cimillada, adduunka horumaray waxa uu sameystay ka hortag iyo xal u helid, laakiin annagana daruuf adag dowlad dhis iyo arrin la xiriirta amniga, iyo la degaallanka Al-shabaab, ayaa waxaa nooogu darsamay isbeddelka cimillada,” Ayuu yiri Madaxweynaah Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa carrab ku adkeeyay in ay labadaan Mashruuc faa’iido ay u leeyihiin, isbeddelkaas Cimillada, fatahaadaha Wabiyada, Roobabka, Daadadka iyo Dadka kasoo bara kacay Deegaannadooda.
Laftagareen ayaa hadaljeedintiisa kaga hadlay xaaladda ay xilligaan wajahayaan dadka reer Koonfur Galbeed, isaga oo sheegay in ay sababtay laba duruuf oo ah isbeddelka cimillada, xilliga abaaraaha oo ku dheerta iyo dhibaatooyinka dhanka Amniga.