‘Inkasta oo ay lacag iigu jirto akoonkayga Bangiga hadda waxaa jirta maalmo aannan carruurtayda u iibin karin rooti’.
Maxamed al-Kloub, oo ah Falastiini oo ka soo jeeda Dayr- Al-Balax oo ka tirsan Qasa, ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah ganacsatada tafaariiqda iyo waratada aysan aqbalin lacagaha elektaroonigga ah, sidaas darteed lacagta ku jirta akoonkiisa bangiga ay noqotay mid aan qiimo lahayn.
Waxa aad u adkeyd in Qasa laga helo lacag caddaan ah bilihii la soo dhaafay, gaar ahaan ka dib markii Israa’iil ay xayirtay saamiyadii loo qoondeeyay Qasa ee dakhliga canshuuraha Falastiin.
Dhibaato lacageed
Markii tirada dadka barakacay ay kordheen bilihii ugu horreeyay ee dagaalka Qasa, dadka reer Qasa ayaa safaf dhaadheer u galay bannaanka mishiinnada lacagta caddaanka ah laga baxo ee ATM-yada iyo bangiyada iyagoo doonayey inay lacag caddaan ah kala baxaan.
In badan oo ka mid ah bangiyada ayaa ku burburay duqaymaha. Qaar ka mid ah dadka rayidka ah ayaa la kulmay kooxo ay dadka reer Qasa ugu yeeraan “Maafiyo lacag beddelasho ah”, kuwaas oo qaska iyo argagaxa u adeegsaday fursad ay lacag ku kasbadaan.
Bishii Maarso 24-keedii, lix bilood ka dib bilawga dagaalka, Maamulka Lacagta Falastiin, oo u dhaqma sida Bankiga Dhexe ee Falastiin, ayaa ku dhawaaqay in “aysan suurtagal ahayn in la furo laamo bangi ah meel kasta oo maamulka ah ee Marinka Gaza sababtoo ah duqeynta socota, korontada oo go’day iyo xaaladda adag ee dhulka”.
Tani waxay keentay dhibaato lacageed oo aan horay loo arag, iyadoo inta badan ATM-yada sidoo kale aysan shaqaynayn.
Bishii Maarso 11-keedii, Maamulka Lacagta ee Falastiin wuxuu bilaabay adeeg lacag-bixineed oo elektaroonig ah oo degdeg ah iyadoo la adeegsanayo adeegyada bangiyada internetka, iyo kaararka deynta, taana waxaa caqabad ku noqday go’itaankii internetka.
“Intii uu socday dagaalkii 8-dii bilood ahaa, waxaan heli karayay hal bakhaar oo aqbalay wax kala iibsiga elegtarooniga ah, gaar ahaan marka alaabta lagu iibiyo ‘suuqyada’ xerooyinka halkii laga iibin lahaa dukaamada,” ayuu yiri Maxamed.
Waa maxay saldhigga dhaqaalaha Gaza?
Si loo fahmo waxa keenaya dhibaatada lacagta caddaanka ah ee Qaza, waxaa laga yaabaa inay faa’iido u leedahay in si dhow loo eego nidaamka maaliyadeed ee halkaas.
Dhaqaalaha Qasa ayaa si weyn waxa u saameeyay go’doominta la saaray tan iyo markii Xamaas ay si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta marinka Qasa sanadkii 2007dii.
Israa’iil waxay sheegtay in go’doominta ay lagama maarmaan tahay si loo joojiyo weerarrada kooxda.
Bangiyada ku yaala Marinka Qasa waxay ku xiran yihiin maamulka lacagta Falastiiniyiinta iyo dawladda Falastiiniyiinta ee Ramallah, ama waa kuwo si gaar ah loo leeyahay oo xiriir la leh maamulka Xamaas.
Maamulka Lacagta Falastiin waxaa lagu dhisay heshiiskii Paris ee la saxiixay 1994-kii kaas oo lagu daray heshiiskii Oslo.
Heshiiskani wuxuu keenay dhaqaalaha Falastiiniyiinta iyo dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee hoos yimaada kormeerka tooska ah iyo xakamaynta nidaamka bangiyada Israa’iill.
Heshiiska ayaa dhigaya in Israa’iil ay qaaddo canshuur iyada oo wakiil ka ah maamulka Falastiiniyiinta. Waxa ay u gudbisaa kuwan maamulka lacagta Falastiin bishiiba mar, ka dib ansixinta iyo saxiixa wasaaradda maaliyadda ee Israa’iil, ka dib markii ay ka jarto lacag boqoleey ah oo cayiman.
Lacagahan, oo loo yaqaan dakhliga cashuuraha, ayaa ka dhigan qaybta ugu badan ee dakhliga maaliyadeed ee Maamulka Falastiin, qayb ka mid ah taas ayaa loo qoondeeyay Marinka Qasa.
Markii Xamaas ay la wareegtay gacan ku haynta marinka Qaza sanadkii 2007, kumanaan shaqaale rayid ah oo Qasa ku sugnaa ayaa mushaarkooda ka helay maamulka Falastiin. Kuwaas waxaa lagu wareejiyay bangiyada xiriirka la leh Maamulka Lacagta ee Qasa.
Lacag caddaan ah ayaa sidoo kale ku imaanaysay Qasa hannaan gargaar ah oo ay ka heshay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka Falastiin ee UNRWA iyo gargaarka Qatar, oo loo arko isha ugu weyn ee dollarka Qasa.
Cilmi-baaraha dhaqaalaha ee Qasa, Axmed Abu Qamar, ayaa ku tilmaamay ilahan dhaqaale inay yihiin “qaabab rasmi ah oo lacag caddaan ah lagu helo.”
Waxa uu BBC-da u sheegay in sidoo kale ay jiraan habab aan rasmi ahayn oo badeecadaha loogu beddeli karo lacag caddaan ah, oo lagu tilmaamay “dhaqaale harka ah.”
Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in dhamaan ilaha dhaqaale ee Qasa, aysan ku filneyn inay abuuraan wareeg dhaqaale oo caafimaad leh oo u oggolaanaya in ka badan 2 milyan oo muwaadiniin ah inay si caadi ah ugu noolaadaan Marinka Qasa.
Saamaynta dagaalka
Ka dib bilawgii dagaalka, maamulka Israa’iil ayaa diiday in dakhliga cashuuraha ee loo qoondeeyay Marinka Qasa lagu wareejiyo maamulka lacagta Falastiin.
Israa’iil ayaa ku andacoonaysa in lacagtan ay caawinayso dhaqaalaha Xamaas.
Wasaaradda Maaliyadda ee Falastiin ayaa ku dhawaaqday Noofambar 2023 in “Wasaaradda Maaliyadda Israa’iil ay ka jartay 600 milyan oo shekel dakhliga canshuuraha bilaha ah, iyada oo marmarsiinyo u ah in qaar ka mid ah ay ku jiraan mushahar, gunnooyinka shaqaalaha iyo kharashyada marinka.
Bilowgii sanadka, wasiirka maaliyadda ee Israa’iil Bezalel Smotrich ayaa ku hanjabay inay maamulka Falastiin ka joojin doonaan dhammaan dakhliga canshuuraha haddii “hal shekel” uu galo Qasa.
Dhaqdhaqaaqa lacagta caddaanka ah ee ka baxaya Qasa ayaa sidoo kale hoos loo dhigay gaar ahaan lacagaha ay bixiyaan dadka tagaya iridda xudduudda Rafax ee isku diyaarinaya inay ka baxaan Qasa.
Suuqa madow
Maxamed al-Kloub ayaa sheegay in lagu qasbay in uu suuq madow galo. Wuxuu dukaanka kala baxaa lacag caddaan ah oo loogu talagalay komishanka inta u dhaxaysa 10 boqolkiiba ilaa 20 boqolkiiba. Si kastaba ha ahaatee, Mahmut Bakr el-Louh, oo ka shaqeeya halkan, ayaa sheegay in xitaa waddadani ay noqotay mid adag.
Bakhaaro badan oo hore u bixin jiray adeegyada lacag bixinta si loogu beddelo komishanka ayaa leh calaamado “lacag la’aan ah”.
Axmed, ma aha magaciisa dhabta ah, waxa uu leeyahay meherad bixisa lacag caddaan ah oo ay faa’iido dulsaaran tahay.
Waxa uu BBC-da u sheegay in uu ganacsigan u bilaabay in uu magdhow ka bixiyo khasaaraha soo gaadhay.
Dakhligiisu wuxuu daboolaa qayb yar oo ka mid ah baahidiisa maalinlaha ah. Si kastaba ha ahaatee, dadka reer Qasa, ee suuqa madow wax ku kala baddalay ayaa iyaga qudhooda ka cabanaya in dhibaatadu ay sii kordhyaso.