Ciidamada booliiska maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay mid kamid ah afar maxbuus oo katirsanaa kooxda Al shabaab horeyna xukunno dil ah loogu riday, kuwaa oo dhawaan ka baxday xabsi kuyaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo .
Booliiska Puntland oo helay xogta Barkhad Cawil Xirsi oo kamid ahaa maxaabiistii ka baxsatay xabsiga magaalada Gaalkacyo ayaa gacanta ku dhigay , waxa ayna booliiska ninkan lasoo qabtay ku xireen xabsi si gaar ah loo ilaaliyo.
” Booliiska Puntland ayaa gacanta ku dhigay Barkhad Cawil Xirsi oo ka mid ahaa Afar maxbuus oo kafakaday xabsiga Galkacyo, kuwaas oo ahaa danbiilayaal dil sugayaal ah kana tirsanaa shabakad argagixiso ah oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo horayna u dilay haldoor badan oo kamid ahaa Gobalka” ayaa lagu yiri war kasoo baxay booliiska Puntland.
Ciidanka booliska maamulka Puntland oo horey madaxooda lacag ugu dul dhigay maxaabiista xabsiga ka baxsaday ayaa lacag abaalmarin ah siiyay muwaadinkii keentay xogta Barkhad Cawil Xirsi, oo ahaa maxbuuskan dilka ku xukunaa .
Booliiska maamulka Puntland ayaa wali baadigoobaya saddex xubnood kale oo katirsanaa Al Shabaab kana baxsaday xabsiga Gaalkacyo, waxa ayna booliiska 20,000 kun dollar u ballanqaadeen ciddii keenta xogta saddexda nin ee baxsadka ah.