Laamaha Amniga Kenya gaar ahaan Hay’adda dambi baarista ayaa soo bandhigay xogta nin ku eedeysan dil loo geystay dad isku qoys ah gudaha magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Dembi-baarayaasha ayaa aqoonsaday Hashim Dagane Muxumed oo 24-jir ah, kaasi oo ku eedeysan in uu dilay hooyo, gabadheeda, iyo gabar ay eedo u tahay oo 12 jir ah, kuwaas oo meydadkooda la helay 21-kii Oktoobar, 2024-kii.
Muuqaallada CCTV-ga ayaa muujinaya Dagane oo wata gaari noociisu yahay Nissan, kaasoo la arkayay isagoo dhibbanayaasha ka soo qaadaya gurigooda Islii wax yar ka hor inta aan lagu tuurin wadada.
Baabuurka ayaa markii dambe laga helay isagoo ku sugan Suuqa Wakulima oo u dhow masraxa Tababarka ENA, waxaana loo soo jiiday Xarunta Dhexe ee hay’adda dambaarista si ay baaritaan ugu sameeyaan.
Natiijooyinka ayaa si toos ah Dagane ula xiriirinaya dembiga dhacay. Hal ruux ayaa hadda xabsiga ku jira.
Hay’adda dambaarista Kenya ayaa ugu baaqday dad weynaha cid kasta oo xog ka haysa halka uu ku sugan yahay inay hay’adaha amniga lasoo xiriiraan.
Soomaalida ku nool xaafadda Islii ayaa maalmihii la soo dhaafay dhigayay mudaharaad ay ku dalbanayaan in caddaaladda la horkeeno kuwii ka dambeeyay dilka hooyada iyo labada gabdhood.