Somaliya dowladihii soomaray 1960-90kii
Somaaliya 1960-69kii ragaa haystay raiisulwasaare, wasiirka arimaha gudaha taliyaha ciidkan-ka police ka hadana waa ay cabanaayen,
Markii lamagacaabay oo raiisulwasaare laga cabdirashiid cali sharmaarke waxaa mucaarad noqday cabdirisaaq xaaji xusein oo ina adeerkiis ah,
Markii mucaaradka hala qanciyo la yiri waxaa la magacaabay cabdirisaaq xaaji xusein oo laga dhigay raiisulwasaare waxaa hadana mucaaraday cabdirashiid cali sharmaarke,
Markii mucaaradka hala qanciyo la yiri hadana waxaa madaxweyne laga dhigay cabdirashiid cali sharmaarke , waxaa hadana mucaaraday cabdirisaaq xaaji, intaas waxaa ku ekaatay dowladii 1960-69kii ,
Soomaaliya 1969-90kii dalka waxaa xukumayey golaha sare ee kacaanka waxa ayna ahaayeen 25 sargaal sidaan ayey ukala lahayeen qabiilada:
Darood 10 ruux
(SEDEX MAREEXAAN:-
1. Maxamed siyaad barre
2. Cali mataan xaanshi
3. Cabduqaadir xaaji masale
LABO OGAADEEN:-
1. Maxamuud mire
2. Maxamed cumar jees
LABO MAJEERTEEN:-
1. Maxamuud geelle yuusuf
2. Cabdirisaaq maxamuud abuubakar
LABO DHULBAHANTE:-
1. Axmed saleemaan dafle
2. Maxamed cali shire
HAL WARSANGELI :-
1. Qoorsheel
Dir 7 ruux
( AFAR ISAAQ :-
1. Maxamed ceynaanshe guuleed
2. Cismaacil cali abuubakar
3. Axmed Xassan muuse
4. Axmed maxamuud faarax
HAL CIISE :-
1. Farax waceys dhuule
HAL GAADSAN:-
1. Cabdi warsame isaaq
HAL GODOBIIRSE:-
1. Muuse rabiile good
Hawiye 6 ruux
(SEDEX ABGAAL:-
1. Salaad gabeyre kediye
2. Xusein kulmiye afrax
3. Axmed maxamuud cadde
HAL HABARGIDIR:-
1. Bashiir maxamed
HAL MURUSADE :-
1. Maxamed sheikh
HAL XAWAADLE :-
1. Cismaan jeele
Others 2 ruux
( HAL CARAB:-
1. Cabdalle faadil
HAL JILIBEY:-
1. Maxamed cali samatar
Markii la gaaray 1978 nimankii golaha sare ee kacaanka kulahaa 10 ruux ayaa dowladdi markaa jirtay ka hor yimid,
Cid kasta oo soomali ah oo kuraasta loo badiyo ama loo yareeyo cid qabiil soomaliyeed qanaacdiisa gaari karto majirto.
Hadana kuwa dowladda kuraasta ugu badan haysto ayaa cabanaayo marka Waxaan ku talin lahaa qabiil cid qanaacadiisa gaari karto ma jirto ee cidii qaranka maslaxo u ah haloo magacaabo.
FG: Maxamed siyaad barre wuxuu wasiiro ka dhigi jiray :
1. Nin wadani ah
2. Nin howl kar ah
3. Nin kacaan ah
Lataliyaha madaxweynaha xiriirka dowladgoboleydyada Mudane Mohamed Hassan Ibrahim Qoono