Jowhar 15-01-2026 Kulan muhiim ah ayaa maanta dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabelle, Dr. Maxamed Sheekh Maxamuud Yuusuf, Guddoomiyaha Degmada Jowhar ahna Duqa Magaalada, Mudane Cismaan Maxamed Muqtaar (Baareey), iyo Guddoomiyaha Degmada Xawaadleey, Korneel Jeylaani Maxamuud Shiiq
Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb ka ahaa Agaasimaha Shaqada Wasaaradda Beeraha iyo Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Jowhar. kulankan ayaa waxaa diirada lagu saaray xoojinta wadashaqeynta buuxda ee ka dhexeysa Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, maamulada degmooyinka, iyo hay’adaha kale ee ay khusayso, si loo dardargeliyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee la xiriira beeraha iyo waraabka.
Sidoo kale, kulanka ayaa si gaar ah diiradda loo saaray sidii garab istaag rasmi ah loogu sameyn lahaa Guddoomiyaha cusub ee Degmada Xawaadleey, loona abuuri lahaa jawi shaqo oo fududeynaya gudashada waajibaadkiisa, isla markaana kor loogu qaadi lahaa adeegyada bulshada, amniga, iyo horumarka guud ee degmada.
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadashaqeyn dhow oo u dhexeysa heerarka kala duwan ee dowladda, isaga oo xusay in wasaaraddu diyaar u tahay taageero farsamo iyo mid maamulba si loo xaqiijiyo horumar waara oo ka hirgala degmooyinka Hirshabelle.

