Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan Duco ah oo soo sameeyay Dadkii waxyeellada kasoo gaartay weerarkii Liido Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka & qaar kamid ah Bulshada Caasimadda.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa kamid ahaa Dadka ka qaybgalay kulankaan waxaana uu alle ugu baryay intii ku dhimatay weerarkaas halka uu caafimaad u rajeeyay intii dhaawacyada kala duwan kasoo gaaray oo qaarkood weli jiifa Isbitaallada Magaalada Muqdisho, waxa uu markale ku baaqay in lala shaqeeyo Ciidamada ammaanka.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in wadashaqeynta Shacabka iyo Laamaha Ammaanka looga hortagi karo dhibaatooyin badan sida qaraxyada, weerarrada & waxyaabaha kale ee halista ah sida uu hadalka u dhigay Yuusuf Madaale.
Weerarkii ka dhacay Xeebta Liido waxaa ku dhimatay ugu yaraan 32 ruux, waxaa ku dhaawacmay in ka badan 63 kale sida uu sheegay Afhayeenka Booliiska Soomaaliya, halka Khasaaraha hanti uu jiro sida goobo Ganacsi oo ku burburay goobta weerarku ka dhacay.