Waxaa magaalada Buuloburde ka qabsoomay kulan looga hadlay amniga magaalada Buuloburde, iyada oo kulanka ay qeyb ka ahaayeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo maamulka dagmada Buuloburde ee ku sugan gobolka Hiiraan.
Kulanka, ayaa waxaa shir gudoominayay ku simaha taliyaha qaybta 27-aad ee ciidanka dhulka xoogga dalka soomaaliyeed Gaashaanle dhexe Cabdullahi Barre.
Sidoo kale, kulanka ayaa gaashaanlaha waxa uu saraakiisha ka dhagaystay xaaladda guud ee gobolka, halka uu maraayo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo deegaannada ay ku sugan yihiin.
Dhanka kale, Taliyaha ayaa ku bogaadiyay saraakiisha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ee ka howlgala dagmada iyo deganada ku hareereysan.