Muqdisho, 2-September-2024: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa caawa kulan la qaatay Xildhibaano hore iyo kuwa hadda ah oo kasoo jeeddo Dowladda Hirshabeelle.
Masuuliyiinta uu kulanka la qaatay madaxweynaha ayaa waxa ey kala ahaayeen:-
1. Wasiir iyo Xildhibaan hore Cabdullaahi Goodax Barre
2. Xildhibaan hore Maxamed Xasan Qoone
3. Xildhibaan hore Cabduqaadir Sheekh Xanafi
4. Xildhibaan hore Samiira Xasan Cabdulle
5. Xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed Cusmaan (Gureey)
Kulanka ayaa diirada lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin wadajirka, nabadda iyo horumarka Dowladda Hirshabeelle.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa masuuliyiinta uga mahadceliyay booqashada iyo is xog-wareysiga ay ugu yimaadeen.
DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir