Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Hiiraan ahne guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda iyo Maaliyadda gobolka Hiiraan mudane Xasan Ibraahim Cabdulle ayaa maanta Magalada Beledweyne ka daah-furay tababar loo qabtay xubnaha bulshada rayidka ee hoos-taga Mashruuca nabadda iyo u hiilinta haweenka Somaaliyeed.
Tababarkan waxaa soo qaban-qaabisay guddoomiyaha Haweenka gobolka Hiiraan Farxiya Cabdirashiid Cabdi waxaana daah furka tababarka ka qeybgalay madax kala duwan oo dowladda Hirshabelle kamid ah.
Gudoomiyaha uruka haweenka gobolka Farxiya Cabdirashiid Cabdi iyo xubno kale oo ka caawiyay tababarkan ayaa ugu horeyn madashada ka hadlay ayaa bulshada tababarka ka qeybgshay ugu baaqay in cilmiga aay barteen bulshada kale u faaideeyaan.
Guddoomiyaha degmada Beledweyne Cumar Cismaan Calasoow oo dhankiisa warka qaatay ayaa dalbaday joogteynta tababarada nuucaan ah ee haweenka loo qabanaayo.
Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Hiiraan ahne guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda iyo Maaliyadda gobolka Hiiraan mudane Xasan Ibraahim Cabdulle oo daah-furay tababarkaasi waxuu is dul-taagay ahmiyadda Haweenka Nabadda is-dhaxgalka iyo dowladnimada u leeyihiin dalka.