Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane oo uu wehliyo Madaxa waxbarashada degmada Maxaas Cabdullaahi Xuseen Cabdi ayaa maanta daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiga dhexe oo aay u fariisteen 34 -Arday.
Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane iyo Madaxa waxbarashada degmada Maxaas Cabdullaahi Xuseen Cabdi ayaa ardayda imtixaanka u fariisatay u rajeeyay natiijo wanaagsan.
Sidoo kale imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad ee dugsiga sare ayaa la filayaa in uu dhaco maalmaha soo aadan.