Koox hubeysan ayaa saakay Xaafadda Soona-kay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ku dishay Labo Nin oo Ganacsato ah halka ay dhaawaceen mid kale sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan oo deegaanka ah.
Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa geeriyootay halka qof kale isaga oo dhaawac ah loo qaaday mid kamid ah Goobaha Caafimaadka ee Magaalada Muqdisho sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan oo deegaanka ah.
Ragga dhimashada iyo dhaawaca loo geystay ayaa ku sugnaa goobtooda Ganacsiga, rasaas ay ku furtay kooxda beegsatay ayaa dhaawac darran soo gaarsiisay oo labo kamid ah isla goobta ay ku geeriyoodeen sida ay wararku sheegayaan.
Laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goobta gaaray waxaana ay billaabeen howlgallo ay ku raadinayaan kooxdii dilka geysatay ee la sheegay in ay baxsatay kahor inta aysan goobtu tegin ciidamada.
Muqdisho oo muddooyinkii dambe ka xasilooneed Dilalka ayaa dhacdadaan waxa ay ka dhigeysaa middii labaad muddo ka yar 8 maalmood oo lagu beegsado Ganacsato, weerarkii kan ka horreeyay waxa uu ka dhacay Xaafadda Oodweyne Degmada Dayniile.
Weli ma jiro war kasoo baxay Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu faah-faahiyay dilka iyo dhaawaca ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, waxaana socda baaris ay wadaan Ciidamada Dowladda.