Dalka Koonfur Afrika waxaa ka socota tirinta codadkii la dhiibtay doorashada Guddiga doorashada ee dalka ayaan ku adkeysanaya in xilligii loogu talogalay ku dhawaaqi doonaan natiijada doorashada.
Isagoo la hadlayay warbaahinta, Sy Mamabolo, oo ah madaxa Gudiga Doorashada, ayaa sheegay in la ogaan doono natiijada doorashada “waqti ka mid ah dhammaadka usbuuca”. Waxa uu hore u sheegay in Axadda ay tahay maalinta ay suurtogal tahay.
Sharci ahaan, komishanku waxa uu haystaa todoba maalmood oo ka bilaabmaysa doorashada si ay hawsha u dhameeyaan. Taariikh ahaan, dadka reer Koonfur Afrika ayaa looga bartay inay ogaadaan natiijada maalinta Sabtida ka dib doorashada. Laakiin, sababtoo ah wakhtigan dadku waxay dhiibteen cod dheeri ah, tirinta iyo xaqiijinta ayaa la filayaa inay qaadato wakhti dheer.
Hoos ka akhriso qaabka loo qeybsanayo kuraasta baarlamaanka ee da
2024 Natiijada doorashada Qaranka
Koonfur Afrika
Xisbiga hoggaaminaya gobolka
71% goobaha codbixinta ee la tiriyay
Xisbiga haya talada Koonfur Afrika ee ANC ayaa luminaya aqlabiyadda doorashada guud ee dalka Koonfur Afrika. Haddaba, haddii ANC ay ku guulaysan waayo aqlabiyadda marka natiijada doorashada lagu dhawaaqo, waxa ay ku qasbanaan doonaa xisbigu uu isbahaysi la samaysto xisbiyada kale ee mucaaradka ah si ay dawlad u dhistaan.
NATIIJADA DOORASHADA
Waa’ cusub oo siyaasadeed
Tan iyo doorashadii ugu horreysay ee dimoqraadi ah oo ka dhacda dalka Koonfur Afrika 1994-tii, Xisbiga ANC ayaa ahaa awoodda siyaasadeed ee ugu sarreysa.
Xiligii Nelson Mandela waxa waxuu xisbigu hogaaminaayay halganka lagaga soo horjeeday xukunkii caddaanka tirada yar, waxa uuna noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee si dimoqraadi ah loo soo doorto dalka Koonfur Afrika.
70% ayaa codadka la dhiibtay xisbiga ANC waxuu kahelay codadka la dhiibtay 42% doorasho walba oo dalka horey uga dhici jirtayna xisbigu marwalba waxuu haysan jiray in ka badan 50% illaa iyo 1994-tii.
Isbahaysiga Dimuqraadiyadda ayaa ah kan labaad ee tirada codadka la dhiibtay haddeer ugu badan waxuuna helay 23%.
Xisbiga cusub ee MK ee uu hoggaamiyo madaxweynahii hore ee dalka Koonfur Afrika Jocob Zuma ayaa isna dedaal balaadhan sameeyay waxuuna helay 12% codadka la tiriyay haddeer waxuuna noqday xisbiga saddexaad ee ugu codadka badan.
BBC SOMALI