Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Koofi oo war kasoo saaray go’aanka kiiskiisa iyo cidda ka dambeysa xukunkii la riday

    Koofi oo war kasoo saaray go’aanka kiiskiisa iyo cidda ka dambeysa xukunkii la riday

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMay 26, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo ah agaasimihii hore ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aanka kasoo baxay maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Banaadir oo bari yeeshay isaga iyo agaasimihii ka dambeeyay ee Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) iyo agaasimihii waaxda canshuuraha bariga ee wasaaradda maaliyadda Muxidiin Xasan Jurus (Saabey) oo dhammaantood lagu soo eedeeyay musuq-maasuq, gaar ahaan xatooyo xoolo dadweyne.

    Koofi ayaa ugu horreyntii soo dhaweeyay go’aanka kasoo baxay maxkamadda gobolka, wuxuuna sheegay in maxkamadda ay garab istaagtay xaqa, uuna ku faraxsan yahay.

    Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhammaan eedeymaha loo jeediyay ay ahaayeen kuwaa lasoo dhoo-dhoobay oo la doonayay in lagu sumcad dilo isaga, loogana hor istaago damaciisa ku aadan doorashada soo socda ee dowlad goboleedka Galmudug.

    Sidoo kale Maxamed Aadan Koofi ayaa u mahadceliyay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya oo uu sheegay inay diideen in la’isku dulmiyo magaca dowladnimada.

    Hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

    GO’AANKA MAXKAMADDA G/BANAADIR AY IIGA BARI YEESHAY EEDEYMIHII LA SOO ABAABULEY

    Waxaan ku faraxsanahey, soona dhoweynayaa go’aanka Maxkamadda Gobolka Benaadir ay iiga bari yeeshey eedeymihii la soo abaabuley.

    Go’aankaani wuxuu garab istaagey xaqa, wuxuuna igu sii dhiiri gelinayaa xoojinta halganka aan ugu jiro difaaca qarankeyga, iyo u adeegidda dadkeyga Soomaaliyeed. Diidmada maxkamadda ee eedeymiha la soo abaabuley oo xariir la lahaa hammigeyga ku wajahan madaxtinimada Galmudug, waxay caddeyn u tahey in Madaxda Qaranka iyo Hay’adaha Garsoorkuba aysan ogolaaneyn in la isku dulmiyo awoodda dowladnimada.

    Sooyaalkeyga waxaa ku dhiggan in aan si hagar la’aan ah oo daacadnimo ku jirto ugu adeegay dadkeyga Soomaaliyeed, ugana qeyb qaatey difaaca dalkeyga, aniga soo qabtey xilal iyo masuuliyado kala duwan oo isugu jirey amni, difaac, socdaal iyo qaar kale. Mudadaas aan qarankeyga u shaqeynayey waxay nafteydu halis gashey in ka badan toban jeer, iyada oo dhaawacyadii qaarkood iga soo gaarey aan weli la tacaalayo.

    Waxaan dadkeyga Soomaaliyeed u ballan qaadayaa in aanan ka siiban doonin dhaqanka hufnaanta iyo daacadnimada ee la igu yaqaaney, wax saameyn ahna aysan igu yeelan doonin eedeymaha aan sugneyn ee la iga sameeyey, kuwaas oo maanta ay maxkamaddu meeshaba ka saartey.

    Waxaan u mahadcelinayaa qareenadeyda sida hagar la’aanta ah ii difaacey iyo garsoorka maxkamadda oo iyaguna caddaaladda fuliyey. Sidoo kale, waxaan u mahadcelinayaa xaaskeyga Dr. Asma Cabdullaahi Sheekh iyo sidoo kale, asxaabta iyo taageereyaasha i garab taagnaa muddada ay dacwadu socotey

    Mahad badan

    Dr. Maxamed Aadan Koofi

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.