Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay ku guulaysigii kooxdiisu ku guulaystay koobka Carabao cup-ka.
Liverpool ayaa 1/0 ku garaacday Chelsea kulan ka tirsanaa Final-ka tartanka Carabao cup-ka iyaga oo ku guulaystay koobka.
Gool uu dhaliyay Van Dijk ayaa ka caawiyay Liverpool in ay ku guulaysato koobka xilli ciyaareedkan.
Ciyaarta kadib Klopp ayaa ka hadlay natiijada waxana uu yidhiβWaxa dhacay waxa ay ahayd wax waalanβ.
βWaxa aan haysanay xiddigo yar oo kooxda 1-aad ah iyo xiddigo buuxa oo Akademiyada ahβ.
βAad ayaan ugu faraxsanahay in aan ka qayb ahaado kooxdanβayuu sii raaciyay.
Klopp ayaa markii 2-aad ee taariikhdiisa ku hogaamiyay Liverpool ku guulaysiga koobka.

