Close Menu
    What's Hot

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka daah-furtay

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

      January 23, 2026

      MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

      January 21, 2026

      Daawo:-Sheekh Cabdi Casiis ” Culimada iyo Odayaasha Baladweyne Dadka Hortooda ayaa lagu laaynayaa” Xalka Magaalada oo Cabsi Cabsi ah!

      April 11, 2024

      Daawo: XASAN Sheekh oo gaaray KENYA + Ujeedka

      April 11, 2024

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      Xog ka cusub hoggaamiye mucaaradka ITOOBIYA ka tirsanaa ee meydkiisa la helay

      April 11, 2024

      Hogaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa sheegay in wiilal looga dilay duqeyn cirka ah

      April 11, 2024

      Ayatollah Khamenei oo ku hanjabay in Iran ay ciqaabi doonto Israel kana hadlay Sababta

      April 10, 2024

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Wax ka ogow dekadda dalka deriska la ah Soomaaliya ee ay ITOOBIYA u weecatay

      April 2, 2024

      Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

      January 23, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

      January 21, 2026

      Daawo:-Sheekh Cabdi Casiis ” Culimada iyo Odayaasha Baladweyne Dadka Hortooda ayaa lagu laaynayaa” Xalka Magaalada oo Cabsi Cabsi ah!

      April 11, 2024
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Killida doofaarka xal ma u noqon kartaa bukaanno badan oo kilyaha ka xanuunsan?

    Killida doofaarka xal ma u noqon kartaa bukaanno badan oo kilyaha ka xanuunsan?

    By radiohalgan.comMarch 23, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Nin 62 jir ah ayaa la sheegay in uu si degdeg ah u soo kabanayo ka dib markii loo galiyey kelyaha doofaarka, waxaana dhawaan laga saari doonaa isbitaalka.

    Kelyaha doofaarka ee lagu beeray jidhka bini’aadamka ayaa isbaddel lagu sameeyay hidde sidahooda sababtoo ah haddii kale jidhka bini’aadamku wuu diidi lahaa in uu aqbalo.

    Dhakhaatiirta Mareykanka ayaa sheegay in Rick Slimane uu yahay geesi dhab ah oo qaliinkan ku guuleystay.

    Ugu dambeyntii, waxaa la sheegay in xubnaha xayawaanka la isticmaali karo ka dib isbeddel yar oo hidde-side ah si loogu tallaalo ruux bini-aadmi ah.

    Kelyaha Doofaarka ayaa si tijaabo ah loogu isticmaalay dadka lagu sheegay in ay maskaxdu dhimatay.

    Isbitaalka guud ee Massachusetts ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in qalliinka afarta saacadood qaatay, oo la sameeyay 16-kii bishan Maarso, uu ahaa guul weyn oo laga gaaray dadaallada lagu doonayo in bukaannada la siiyo xubno diyaar ah.

    Waxa uu hore 2018 isla cusbitaalka lagaga bedelay kelyaha ka dib markii uu ku jiray kelyo sifaynta muddo 7 sano ah maadaama kelyihiisa aanay si fiican u shaqaynayn.

    Shan sano ka dib, ku-tallaaliddii wuu guuldarreystay oo wuxuu ku qasbanaaday inuu dib ugu laabto sifeynta bishii May ee sannadkii tagay.

    Kilyaha

    XIGASHADA SAWIRKA,MASSACHUSETTS GENERAL HOSPITAL

    Dhakhaatiirtiisa ayaa ku micneeyay in uu la kulmay dhibaatooyin ka yimid sifeynta joogtada ah, taas oo u baahan in uu sameeyo wareegyo isbitaal labadii toddobaadba mar si looga hortago xinjirowga dhiigga iyo in la xakameeyo arrimaha kale, taas oo saamayn ku yeelatay noloshiisha caadiga ah.

    Saleebaan waxa uu sheegay in uu ka fikiray faa’iidada iyo khasaaraha ay leedahay in kelyaha la beddelo balse uu u arkay in aanay faa’iido u lahayn isaga oo keliya balse ay tahay iftiin rajo u ah kumannaan qof oo u baahan kelli si ay u noolaadaan. Baahida kelyaha ayaa badan balse lama hayo dad ku deeqa.

    Waxaa jira gabaabsi joogto ah oo ku aaddan xubnaha deeq bixiyayaasha aadanaha ee kuwa u baahan. Si kastaba ha ahaatee, xayawaanku waxay ka caawin karaan aadanaha in ay ka maarmaan arrintan ku-deeqidda.

    Kelyaha doofaarka waxaa Cambridge, Massachusetts ugu deeqay EGenesis. Waxyaalaha hidde-sidaha ee waxyeelada u keeni lahaa jidhka bini’aadamka ayaa laga soo saaray kelyaha doofaarka, waxaana lagu bedelay kuwo shaqayn kara oo gacan ka geysta badbaadinta nolosha aadanaha.

    Saleebaan wali waxa uu qaadanayaa dawooyinka ka hortagga diidmada ee jirka mana cadda ilaa inta kellidiisa cusubi shaqayn doonto.

    Dr. Tatsuo Kawai, oo xubin ka ah kooxda ku-tallaalidda, ayaa yiri, “Waxaan rajeyneynaa in habkan ku-tallaalidda uu siin karo fursad cusub oo nolosha malaayiin bukaanno ah adduunka oo dhan kuwaas oo u dhimanaya kelyaha.

    Killi

    XIGASHADA SAWIRKA,UNIVERSITY OF MARYLAND SCHOOL OF MEDICINE

    Qoraalka sawirka,Dhakhtarka qalliinnada sameeya ee lagu magacaabo Bartley P. Griffith oo la sawiran David Bennett horaantii 2022

    Nin u dhashay dalka Mareykanka ayaa sanadkii 2022 noqday qofkii ugu horreeyay adduunka ee lagu tallaalay wadne uu leeyahay xayawaanka doofaarka oo isbaddal dhinaca hiddaha ah lagu sameeyay.

    David Bennett, oo 57 jir ahaa xilligaas ayay xaaladdiisu wanaagsaneyd, saddex maalmood kaddib markii lagu sameeyay qalliinka tijaabada ah oo qaatay toddobo saacadood, sida ay dhakhaatiirtu sheegeen.

    Ninkan ayaa qalliinka loogu sameeyay isbitaal ku yaalla magaalada Baltimore ee dalka Mareykanka.

    David Bennett ayaase geeriyooday bishii March ee isla sanadkaas.

    Mr Bunnet oo qabay xanuun dhanka wadnaha ayaa noolaa labo bilood kadib markii uu maray qalliinkii wadnaha doofaarka.

    Bennet ayaa ka warqabay halista ka dhalan karta qalliinka, isaga oo qalliinkaas ku sheegay ‘Ul mugdi lagu tuurey’.

    Dhaqaatiirta jaamacadda Marryland ee Maraykanka ayaa la siiyay ogolaansho gaar ah oo ku saabsan in ay qalliinka fuliyaan, iyada oo wakaaladda Kormeerka Caafimaadka Maraykanka ay go’aankani u cuskatay maaddaama Mr David uu markasta dhiman lahaa, xitaa haddii aanan qalliinka lagu samaynin.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026

    MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

    January 21, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka daah-furtay

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.