Waxaa bannaanka usoo baxay khilaaf in muddo ah heer hoose ku socday oo u dhaxeeyay madaxweynaha Dalka Kenya William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua, inkasta oo aan la shaacin waxyaabaha ay isku hayaan balse khilaafkooda ayaa soo shaac baxay.
Madaxweyne ku xigeenka Dalka Kenya Rigathi Gachagua ayaa sheegay in laga saaray barta Whats App ee gaarka u ah Madaxtooyada Dalkaas, waxa uu ku tilmaamay tallaabadaas mid sharci darro ah oo si bareer ah loogu xadgudbay.
William Ruto ayuu ku eedeeyay in uu qaadayo tallaabooyin kasoo horjeeda dhinaca Sharciga isaga oo meel iska dhigay Dastuurka lagu dhaariyay ee u ogolaanaya in uu ahaado Madaxweynaha muddo xileedkiisa lagu garab istaagayo hoggaaminta Kenya.
Madaxweyne ku xigeenka Kenya Rigathi Gachagua ayaa ka qoomameeyay in sanadkii 2022kii uu kahor yimid Madaxweynihii hore Dalkaas Uhuru Kenyatta, haatan ayuu tilmaamay in uu dareemayo natiijada ka dhalatay dhabbihii uu horay u falay.
Ruto ayaa ku dhaqaaqay qodobo kala duwan isaga oo aanay ka talo gelin ku xigeenkiisa, waxa xigay ee uu la kulmay Raghati waa in laga saaray barta Whats App ee Madaxtooyada oo macluumaad badan uu kala socon jiray.