Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Kheyre oo war culus ka soo saaray xiisadda Galgaduud, dalab deg-deg ahna u diray…

    Kheyre oo war culus ka soo saaray xiisadda Galgaduud, dalab deg-deg ahna u diray…

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJune 9, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay colaadda kasoo cusboonaatay gobolka Galgaduud, taasi oo haatan uu sii kordhayo khasaaraha dhimashada ee ka dhashay dagaal beeleedkii dib uga qarxay deegaanka Laandheer ee waqooyiga gobolkaasi.

    Kheyre ayaa sheegay inuu ka xun yahay colaadda Galgaduud ee dadka walaalaha ah ay isku dilayaan, isagoo musiibo qaran ku tilmaamay “in aan weli isu dilayno aano iyo dagaal qabiil, oo ay hal maalin tiro badan nooga geeriyoodeen, in badanna nooga dhaawacmeen.”

    Waxa uu ku baaqay in beelaha dagaalamaya ay si deg deg ah oo shuruud la’aan ah ay u joojiyaan colaadda, islamarkaana wixii ka dhaxeeya ay ku xaliyaan miiska wada-hadalka.

    Waxaan si gaar ah ugu boorrinayaa odayaasha dhaqanka, culimada, iyo ganacsatada in ay u istaagaan nabadeynta bulshada iyo xasilinta deegaanka,” ayuu Xasan Cali Kheyre ku yiri baaqan uu soo saaray maanta.

    Sidoo kale waxa uu madaxda dowlada federaalka ugu baaqay inay sida ugu dhaqsaha badan ay kaalintooda uga qaatan dib-u-heshiisiinta bulshada oo mudnaan iyo muhiimad gaar ah u leh wada-jirka ummadda.

    Waxaan guddiga uu Madaxweynaha Galmudug u magacaabay xal-u-helidda xiisaddan kula dardaarmayaa in ay si qotodheer u darsaan tiirarka colaadda, si xal waara looga gaaro dagaalladan soo noqnoqday ee wiiqaya horumarka dadka iyo deegaanka.”

    Hoos ka aqriso qoraalka Kheyre

    Waxaan ka xumahay dagaallada ka soo cusboonaaday waqooyiga Gobolka Galaguud ee u dhexeeya beelaha walaalaha ah ee Soomaaliyeed. Waa musiibo qaran in aan weli isu dilayno aano iyo dagaal qabiil, oo ay hal maalin tiro badan nooga geeriyoodeen, in badanna nooga dhaawacmeen.

    Waxaan ugu baaqayaa beelaha dagaallamaya in ay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u joojiyaan colaadda, wixii ka dhexeeyana ay ku xalliyaan miiska wadahadalka. Waxaan si gaar ah ugu boorrinayaa odayaasha dhaqanka, culimada, iyo ganacsatada in ay u istaagaan nabadeynta bulshada iyo xasilinta deegaanka.

    Waxaan guddiga uu Madaxweynaha Galmudug u magacaabay xal-u-helidda xiisaddan kula dardaarmayaa in ay si qotodheer u darsaan tiirarka colaadda, si xal waara looga gaaro dagaalladan soo noqnoqday ee wiiqaya horumarka dadka iyo deegaanka.

    Waxaan sidoo kale Madaxda Dowladda Federaalka ugu baaqayaa in ay kaalin hoggaamineed ka qaataan dib-u-heshiisiinta bulshada oo mudnaan iyo muhiimad gaar ah u leh wadajirka ummadda iyo geeddi-socodka dowladnimada, bulshadana u jiheeyaan la dagaallanka argagaxisada.

    Nabaddu waa aasaaska nolosha iyo horumarka. Waxaan dadka deegaannadaas ku dhaqan u rajaynayaa in ay ku naaloodaan xasillooni waarta, waxaana Alle uga baryayaa in uu colaadda nabad ugu beddelo, uguna deeqo horumar iyo barwaaqo.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.