Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

    May 13, 2025

    Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

    May 13, 2025

    Muqdisho oo caawa Marti-gelinayaa Munaasabadda Daahfurka Urur Siyaasadeedka ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo saddex dowlad goboleed

    May 13, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

      May 13, 2025

      Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

      May 13, 2025

      Muqdisho oo caawa Marti-gelinayaa Munaasabadda Daahfurka Urur Siyaasadeedka ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo saddex dowlad goboleed

      May 13, 2025

      DEG DEG Guddiga Doorashooyinka Somaliya Oo Shaaciyay in Khuburo Reer Somaliland ah ka Caawinayaan

      May 13, 2025

      DEG DEG Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa kala saxiixday iskaashi dhaqaale oo istiraatiiji ah

      May 13, 2025

      Dood ka taagan diyaarad weyn oo hadiyad ahaan loo siinayo Trump

      May 13, 2025

      DEG DEG Dowladda Turkiga ayaa sii daysay barnaamij gaara oo lagu caawinayo

      May 10, 2025

      Akhriso:- Madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqda inuu ka welwelsan yahay in Israel ay carqaladeyn karto safarkiisa Bariga Dhexe, taasoo abuurtay xiisado cusub.

      May 10, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

      May 13, 2025

      Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

      May 13, 2025

      Muqdisho oo caawa Marti-gelinayaa Munaasabadda Daahfurka Urur Siyaasadeedka ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo saddex dowlad goboleed

      May 13, 2025

      DEG DEG Guddiga Doorashooyinka Somaliya Oo Shaaciyay in Khuburo Reer Somaliland ah ka Caawinayaan

      May 13, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Khatar kusoo fool leh dhulka Soomaaliya iyo shacabkiisa (4)

    Khatar kusoo fool leh dhulka Soomaaliya iyo shacabkiisa (4)

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 2, 20246 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Qeybtii 4-aad

    Afeef: Ujeeddada qoraalkaan waa ogeysiin ama xasuusin cid gaar ahana loolama jeedo

    Dariskaaga waa in aad aqoon dheer u leedahay (ITOOBIYA iwm)

    Itoobiya waa waddanka 2aad ee ugu dadka badan Qaaradda Afrika, waxa lagu qiyaasaay in ay hadda (2024) dadkeedu gaarayo 129 milyan oo 40 milyan  oo ka mid ah ay Oromo yihiin. Itoobiya waa waddan si dhaqsa ah dadkiisu u koraayo, maxaa yeelay 1960 waxa tirade dadkoodu ahaa 22milyan kororsiimahoodu waa 486% waxa ku darantatay muddo 64 sano ah 107milyan ama 1.7 milyan/sannadkiiba. Dhulka Itoobiya waa 1.112 sq.kms. halkii sq. km waxa ku dul nool 116 qof. Marka waad garan kartaa dad faqri ah oo is dul deggan xaalkooda, in ay dagaal joogto ah ku jiraanna waa caadi.

    Waxa taa dheer, 80 qomiyadood  oo ku hadla 80 af  kala duwan oo 57 ka mida dugsiyada wax looga dhigo oo la wada og yahay. In Itoobiya qowmiyaduhu ay dagalaal aan dhamaad lahayn ku jiraan, waxa caddeyn u ah marka la eego kaliya 50 kii sano ee la soo dhaafay, isku dhacyadii ugu waaweyna waxaa ka mid ahaa:

    1- Dagaalka Oromada waxa uu soo bilowday 1973 welina waa socdaa;
    2- Dagaalki Benishangul-Gumuz ee Galbeedka Itoobiya (2019-2022);
    3- Dagaalki Tegray (2020-2022) weli hashiis rasmi ah oo dhameystiran lagama gaarin;
    4- Dagaalka Amxaarada iyo dowladda oo billowday 2023 weli waa socdaa;
    5- Waxa dagaal ka dhexeeyaa Amxaarada iyo Tigreyga iyaga oo dhul dad badan lagu layey isku heysta;
    6- Waxa dagaal joogto ah ka dhexeeyaa Somalida Dowla degeenka iyo Oromada;
    7- Waxa dagaal lagu hoobtay welina taagan dhexmaray Soomaalida iyo Cafarta;
    8- Waxa dagaal ka dhexeeyaa Amxaarada iyo Suudaan oo isku heysta dhul xuduudeed.
    9- Itoobiya iyo Ereterya nabad ma ah, waa dagaal u joog ay Itoobiya masuul ka tahay; 

    Saamaeynta tira badida iyo xasilooni la’aant Itoobiya ay Soomaaliya ku yeelan karaan haddan laga gaashaaman

    Waxa aan shaki ku jirin in qalalaasaha itoobiya ka dhacaya ay Soomaaliya khatar weyn ku yihiin, waadna aragtaan oo Itoobiya ma xasilna waa dal dagaal joogto ah ku jira dhexdiisa iyo deriskiistaba.waa dal soo butaaci kara mar walba oo duruufaha dalkaas si taban isbeddel ku yimaado.

    Waxa kale oo aan ogsoonahay in haddaba in badan oo af Soomaliga ku hadla oo Oromo ah ay Dalka Soomaaliya ugu sugan yihiin si sharci darro ah. Oromada noocaas ah waxa ay joogaan magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya oo dhan. Waxa ay aad ugu sii badan yihiin waqooyiga dalka gaarahaan maamul goboleeyada Somaliland iyo Puntland. Dadkaas waxa loo baahan yahay iyada oo la dhowrayo deris wanaagga in loo sameeyo waraaqaha joogitaanka dalka  si loola socdo tirada soo geleysa iyo howlaha ay ka qabtaan dalka Soomaliya. Taas waxa ay muhiim u tahay ammaanka iyo xasiloonida Dalka. 

    Waxa aad u muhiim ah in dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadu ka yeeshaan siyaasad cad oo mideysan oo lagula dhaqmo dadka soo galootiga ah. Waxa kale oo lagama maarmaan ah in dowladda dhexe  la timaado habkii looga gaashaaman lahaa ama ay xudduudaha dalka ku ilaalin lahayd si khatarta ka imaan karta soo galootiga faraha badan ee  ku soo qulqulaya, loo yareeyo.

    Labadaan dal ee dariska ah (Soomaaliya iyo itoobiya) isma dooran in ay deris ahaadaan, laakiin Alle ayaa daris ka dhigay. Waxa Soomaaliya looga baahan yahay in ay awood u yeelato la falgalka waxa kasta oo Itoobiya ka yimaada. Waxa la’is weydiin karaa haddii laba xaaladood middood dhacdo ama labaduba, Soomaaliya maxaa u qorsheysan, waa tan hore haddii:

    1- Damaca aan ugubka ahayn ee hadda ka soo baxay Itoobiya ay runtii isku daydu in ay dagaal ku hirgeliso, iyo

    2- Haddii  iyada dhexdeeda fowdo dheeri ah ka dhacdo oo ay is laayaan firxadka ka dhasha sidee Dalkeenna u wajihi karaa.

    A. Tan hore waxa aan qabaa in aanu nahay dad dalkooda gardarrada Itoobiya ka difaaci kara;

    B. Tan labaad haddii dalkooda fowdo ka dhacdo waxa aan aaminsanahay in ay dhib badnaan doonto sidii mowjadaha dagaalku gadaal ka riixayo dalka looga badbaadin lahaa mustaqbalka.

    Waxa  ay iigu muuqataa in inta ay goori goor tahay dowladda dhexe iyo dowlad goboleeyadu ka shaqeeyaan sidii ciidankii xudduudaha ilaalin lahaa loo heli lahaa. Hadda xudduudaheenna gacanteenna kuma wada jiraan waana arrin khatar weyn ku ah jiritaan dalkeena. Waxa u baahan in la ilaaliyo xudduud ka badan 2,390 km marka laga reebo xudduudda badda.

    Sidee xudduuda Soomaaliya loo ilaali karaa waqti xaadirka

     Hadda adduunka waxa ka hirgalay teknolojiaya casri ah oo dhammaan Xudduudaha aan la leenahay dariska lagu ilaalin karo sida:

    1- Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo kormeer joogta ha ku sameeya xudduudah soomaliya la leedahay dariska;

    2- In ciidamo la dhego rugo ay kala socon karaan waxa ka dhacaya xudduudaha iyag oo ka faa’iideysanaya Darooniska iyo kaamirooyin lagu xiro meelaha ay suurta gal tahay.

    Gunaanad

    Khataraha Soomaaliya ku wajahan waa badan yihiin, ha noqdeen kuwa dibadda uga imaanaya ama gudahaba ka socda ama ka billaaba kara. Dhammaantood waxa ay u baahan yihiin in laga gaashaanto.

    Khataraha dibadda ka imaanaya waxa ay u kala baxaan kuwa muuqda iyo kuwa aan muuqan. Kuwa muuqda waxa ka mid ah tan Itoobiya Badda Soomaliya in ay ku qabsato rabto, waa khatar muuqato lakiin waa la iska difaaci karaa. Waxaa iyaduna khataraha dibadda ka mid ah heshiisyo si hoose cadowga loola soo saxiixdo oo danta dalku aaney ku jirin.

    Khataraha aan muuqan ama aan lagu baraargsaneyn waxa ka mid ah waxyaabaha mujtamaca taag tira, sida mukhadaraadka oo uu qaadku ugu horreeyo oo dhallintii waddanka difaaci lahayd ka dhegaya kuwa miir doorsan aanna fahmi Karin qiimaha dalkoodu u leeyahay naftooda iyo caruurtoodba.

    Dastuurka dalka ee hadda la turxaan bixinayo iyo khataraha jirikara marwalba

    Waxa waajib ku ah kuwa ku howlan turxaanbixinta Dastuurka in ay ka ilaaliyaan in cid aan dowladda dhexe ahayn heshiis la gasho dowlado ama hey’ado calami ah, oo ay  dhacdo marar kale in ay codowga dalka lagula heshiiyo wax dhaawacaya danaha Dalka, Dadka iyo Diintoodaba. Itoobiya kama xishoon kana xishoon maddoonto in ay isku daydo in ay ka faa’iideysato kala qoqobnaanta Soomaliya. Heshiiskii Mudane Muse Biixi u saxiixay itoobiya sida loogaga falceliyey dowlad goboleeyada qaarkood waxa ay u baahan tahay in shacbiga soomaaliyeed dib u eegis ku sameeyaan.

    W/Q: Dr. Prof. Axmed Cumar Calasow
    [email protected] 

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

    May 13, 2025

    Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

    May 13, 2025

    Muqdisho oo caawa Marti-gelinayaa Munaasabadda Daahfurka Urur Siyaasadeedka ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo saddex dowlad goboleed

    May 13, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

    May 13, 2025

    Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

    May 13, 2025

    Muqdisho oo caawa Marti-gelinayaa Munaasabadda Daahfurka Urur Siyaasadeedka ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo saddex dowlad goboleed

    May 13, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.