Inta la xaqiijiyay 15 qof ayaa ku geeriyootay, halka 29 kale ay dhaawacyo soo gaareen, kadib markii xalay shil tareen ka dhacay magaalada Shiniile ee Gobolka Sitti sida uu xaqiijiyay Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida, Mustaf Maxamed Cumar.
Tareenka ayaa sawirro laga soo qaaday muujinayaan burburka tareenka oo ka baxay wadada, iyadoo gargaarka degdega ay goobta ka qaadeen dadka dhaawacyada ah.
Jidkaan tareen ayaa ah mid duugoobay oo muddo dheer ka hor uu dhisay gumeystihii Farasiiska, waxaana uu tagaa magaalada Dirirdhaba.
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada iyo shacabka ay dhibaatadu saameysay, isagoo yiri:“Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo dadka ku naf waayay shilkii tareenka ee xalay ka dhacay magaalada Shiniile ee gobolka Sitti oo ay ku dhinteen 15 ruux halka dhaawac uu ka soo gaadhay 27 kale. Ehelada, qaraabada iyo dhamaan shacabka deegaanka ee ay ka baxeen, Ilaahay samir iyo iimaan ha ka siiyo. Inta dhaawaca ahna Ilaahay ha u boogo dhayo.”
Masuuliyiinta deegaanka iyo kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa weli ku howlan baaritaanka sababaha rasmiga ah ee keentay shilka, iyadoo lagu wado in natiijo hordhac ah laga soo saaro saacadaha soo socda.