Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay, in ka badan 30 kalena way ku dhaawacmeen qarax gaari oo xooggan oo ka dhacay afaafka hore ee xarunta ciidamada ilaalada xuduudaha Pakistan ee magaalada Quetta, caasimadda gobolka Balochistan.
Qaraxa oo dhacay Talaadadii ayaa waxaa si degdeg ah xigay rasaas culus, iyadoo qaraxu ka dhacay meel u dhow Zarghoon Road, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha deegaanka.
Bakht Muhammad Kakar, wasiirka caafimaadka gobolka, ayaa sheegay in labo kamid ah dadka dhintay ay ahaayeen ciidamada amniga halka inta kale ay ahaayeen rayid.
Muuqaal lagu faafiyey baraha bulshada ayaa muujiyey gaari u socda dhanka xarunta gobolka ee Frontier Corps, ka hor inta uusan qarxin daqiiqado kadib.
Saraakiisha amniga ayaa xaqiijiyey in weerarku ahaa mid ismiidaamin ah, isla markaana la dilay xubno kale oo la socday.
Madaxweynaha Pakistan, Asif Cali Zardari, oo cambaareyn adag ka jeediyey dhacdadan, ayaa sheegay in “xagjiriinta marin habaabay ay ku shaqeynayaan ajandaha Hindiya.” Si kastaba, dowladda Hindiya weli kama aysan jawaabin eedeyntaasi.
Waxaa socda baaritaanno ku aaddan cidda ka dambeysa weerarka.