Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Kulan muhiim ah ayaa maanta dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabelle,

    January 15, 2026

    Wasiir Fiqi “Shacabka reer Waqooyi Bari waxay maanta guranayaan mirihii adkaysigooda.”

    January 15, 2026

    Iiraan oo farriin u dirtay Trump oo u hanjabay

    January 15, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Kulan muhiim ah ayaa maanta dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabelle,

      January 15, 2026

      Wasiir Fiqi “Shacabka reer Waqooyi Bari waxay maanta guranayaan mirihii adkaysigooda.”

      January 15, 2026

      NISA oo sheegtay in la beegsaday guri ay ku shirayeen Al-shabaab oo ku yaala Jubbada Dhexe

      January 15, 2026

      Dhageeyso:- Wasiir Koroore anigoo Moog ayoow imagacabaay Waxaan ku arkaay Facebook Balse Waxeey Ceeb Ku tahaay Wasarada arimaha Gudaha

      January 14, 2026

      Iiraan oo farriin u dirtay Trump oo u hanjabay

      January 15, 2026

      Justin Davis oo noqday Ku-Simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

      January 15, 2026

      Muxuu daaran yahay Safarka Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ee Isutagga Imaaraatka Carabta?

      January 14, 2026

      Waddamada Afrikaanka ah ee ka soo horjeestay aqoonsiga Somaliland

      January 13, 2026

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Kulan muhiim ah ayaa maanta dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabelle,

      January 15, 2026

      Wasiir Fiqi “Shacabka reer Waqooyi Bari waxay maanta guranayaan mirihii adkaysigooda.”

      January 15, 2026

      Iiraan oo farriin u dirtay Trump oo u hanjabay

      January 15, 2026

      Justin Davis oo noqday Ku-Simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

      January 15, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Khaliil Aadan: “Cabsida iyo walaacu wuxuu gaaary heer xitaa masaajidadii si fiican loogu cibaadaysan waayo”

    Khaliil Aadan: “Cabsida iyo walaacu wuxuu gaaary heer xitaa masaajidadii si fiican loogu cibaadaysan waayo”

    By radiohalgan.comAugust 7, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Dibad-baxyo rabshada wata oo ay dhigayeen dadka dowladda Ingiriisku ku sheegtay inay yihiin kooxaha midigta fog ayaa gilgilay magaalooyin badan oo ku yaalla dalkaasi.

    Kuwii dhacay toddobaadkii hore ayaa lagu beegsaday huteelo ay deggan yihiin dad soogalooti ah iyo goobaha cibaadada.

    Hadda waxaa soo baxaya walaac laga qabo in dadka dibax-baxyada an qorshaysnayn dhiga ee dalkaas bartimaameedsadaan goobaha laga caawiyo magangalyo doonka iyo sidoo kale dadka u dooda soogalootiga sida uu BBC-da u sheegay Khaliil Aden Cabdi oo madax ka ah urur danaha Dhallinyarada Soomaaliyeed ee UK ka shaqeeya.

    “Magaaladayada Bristol waa ka dhacayaa, qareen caawiya dadka qaxootiga ayey ku balameen inay yimaadaan goobtiisa” ayuu BBC-da u sheegay Khaliil.

    Dowladda UK, waxay qaaday tallaabooyin ay ku xakameeyeen xaaladda ka dhalatay dibad-baxa rabashada wata iyadoo ilaa 400 ruux, oo lagu eedeeyey rabshadahan ayaa saraakiishu sheegeen in sharciga la horgeyn doono.

    Khaliil Aadan, oo deggan magaalada Bristol ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada boolisku si wanaagsan ugu hortageen in ay dhibaato baaxad leh dhacdo gaar ahaan magaalada uu deggan yahay oo kale balse wali uu jiro walaac ay qabaan.

    Wuxuu intaa ku daray in jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan Bristol, ay leeyihiin iska warqab joogtaa ayna yeeshaan shirar ay kaga hadlaan arrimahan taagan, basle ay darrreemayan saamaynta arrin dhalisay.

    “Saameynta ay yeellatay waa mid weyn, dukaamadii ayaan waqtigooda wada furnayn, dhaqdhaqaaqii aad soconaysay ma soconaysid oo waataxadaraysaa oo waxaa ku jirtaa balaayo buulkaga laga jiraa, dadkii shaqyanayey cabsi ayey ku keentay gaar ahaan dadka waqti danbe soo baxayey shaqooyinka, sidoo kale dhaqaalihii ayey culays ku tahay” ayuu yiri Khaliif.

    Wuxuu intaa raaciyey in xitaa cibaadadii ay saamayn ku yeellatay arrintan oo xitaa aan salaaddihii masaajidada lagu wada tukanayn.

    “Hadda waxaa iska eegaysaa garabkaga markaa soconaysi, dhinaca iska baa ku jirtaa, masaajidadii waa la xirayaa salaadaha qaar” ayuu intaas raaciyey.

    Jim McMahon, wasiirka guryeynta bulshooyinka iyo dawladda hoose, ayaa sheegay in uu fahamsan yahay in dadku “ay dareemayaan walaac” ka hor mudaaharaadyo kale oo la qorsheeyay – wuxuuna ku boorriyay dadweynaha inay “feejignaadaan”.

    Ku dhawaad 6,000 oo sarkaal oo ka tirsan boolisk kala dambeynta dadweynaha ayaa la abaabulayaa si ay uga jawaabaan khalkhal kasta maalmaha soo socda.

    Dowladdu waxay sheegtay garsoorayaashu ay shaqayn karaan waqti dheeri ah si kuwa lagu oo oogay dacwada rabshada loo horgeeyo sharcigada sida BBC-da u sheegay Khaliil Aadan oo deggan dalkaasi.

    “Haddii aad sharciga jabiso, tallaabo ayaa lagaa qaadi doonaa,” ayuu yiri duqa London.

    Sadiq Khan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X, ee horrey loo oran jiray Twiter, ku sheegay in uu ka warhayo warbixinada kooxda midigta fog ee qorshaynaysa in ay bartilmaameed ka dhigtaan goobo ku yaala London – isaga oo booliiska kala shaqaynaya ilaalinta dhismayaasha la bartilmaameedsanayo.

    Digniinaha socdaalka eel aga soo saaray UK

    UK

    Xigashada Sawirka,Reuters

    Dhowr wadan ayaa soo saaray digniino dhanka socdaalka ah oo ku wajahan muwaadiniintooda ku sugan UK, ama u safraya sababo la xiriira mudaaharaadyo iyo rabshado ka dhan ah socdaalka.

    Dalalka digniinahan durba soo saaray waxaa ka mid ah Nigeria, Malaysia, Australia, Indonesia, UAE iyo India oo dhammaantood diray digniino, iyagoo kula taliyay muwaadiniintooda ku nool ama booqanaya UK inay ka fogaadaan meelaha banaanbaxyada.

    Hindiya ayaa sidoo kale digniin u diray muwaadiniintooda u safraya UK ka dib dibax baxyada rabshado wata oo maalmo socday.

    Guddiga Sare ee Hindiya ee London ayaa sheegay inay “si dhow ula socdaan” xaaladda iyagoo kula taliyay booqdayaasha Hindiya inay “feejignaadaan oo ay taxaddar muujiyaan inta ay ku safrayaan UK”.

    Shalay, Australia waxay soo saartay digniin la mid ah waxayna kula talisay dadka safarka ah inay “ka fogaadaan aagagga ay mudaaharaadyadu ka dhacayaan sababtoo ah suurtagalnimada carqaladaynta iyo rabshadaha” iyadoo dadka ku boorisay inay “la socdaan warbaahinta si ay u helaan macluumaadka iyo wararka”.

    Thailand ayaa noqotay dalkii ugu dambeeyay ee uga digay muwaadiniintiisa booqashada UK.

    Safaaradda Royal Thailand ee London ayaa uga digtay qof kasta oo Thais ah oo imanaya UK inay aad u feejigan yihiin oo ay ka fogaadaan inay tagaan meelaha ay dibadbaxyada ka socdaan.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Kulan muhiim ah ayaa maanta dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabelle,

    January 15, 2026

    Wasiir Fiqi “Shacabka reer Waqooyi Bari waxay maanta guranayaan mirihii adkaysigooda.”

    January 15, 2026

    Iiraan oo farriin u dirtay Trump oo u hanjabay

    January 15, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Kulan muhiim ah ayaa maanta dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabelle,

    January 15, 2026

    Wasiir Fiqi “Shacabka reer Waqooyi Bari waxay maanta guranayaan mirihii adkaysigooda.”

    January 15, 2026

    Iiraan oo farriin u dirtay Trump oo u hanjabay

    January 15, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.