Hay’adaha Ammaanka Dalka Kenya ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgal ka dhacay Mandheera oo ay sheegeen in ay ku dileen 4 xubnood oo katirsan ‘AS’ isla markaana ku qabteen hub ay wateen gaar ahaan qoryaha loo kala yaqaan RPG (Baasuuke), PKM (Daba-jeer) & AK47.
Laamaha ammaanka Kenya ayaa sheegay in ay howlgalkaas inta uu socday iska hor imaad dhexmaray Ciidamada Amniga & xubnaha ay sheegeen in ay katirsan yihiin ‘AS’ oo xogtooda horay u heleen kahor howlgalkaan inta aysan fulin.
Deegaanka Banisa ee Ismaamulka Mandheera ayay Saraakiisha Sirdoonka Kenya sheegeen in ay u ahayd goob ay hubka dhigtaan Isla markaana Dagaallada ay ka geystaan Ismaamulkaas halkaan ka fuliya sida hadalka loo dhigay.
Howlgalkaan ay sida wadajirka ah u fuliyeen Ciidamada Ammaanka oo helay macluumaad dhammeystiran waxaa lagu dilay 4 kamid ah ‘AS’ iyada oo gacanta lagu dhigay Afar madax oo qoriga culus ee RPG ah, Qoryaha Siliska leh ee PKM, 3 qori oo AK47 & 7 Qasnadood oo nooca AK47 ah, Bastoolado, qasnadahooda & 5 Telefoon” Ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Hay’adaha Ammaanka Kenya.
Kenya ayaa sheegtay in muddooyinkii dambe ay hoos u dhaceen weerarrada ‘AS’ ay ka gaysato Dalkeeda kaddib markii Ciidamada Ammaanka oo kaashanaya Dadka Deegaanka ay kordhiyeen la socodka dhaq-dhaqaaqa soohdinta.