Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 8, 2025

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 4, 2025

      Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

      May 31, 2025

      Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

      May 30, 2025

      Madaxweynaha Somaliland oo maanta u safraya dalka Kenya

      May 26, 2025

      Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

      May 18, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 4, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Kaydinta caanaha hooyada ee la siiyo ilmaha aysan dhalin iyo murankii culimada Islaamka ee ka dhashay

    Kaydinta caanaha hooyada ee la siiyo ilmaha aysan dhalin iyo murankii culimada Islaamka ee ka dhashay

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJuly 3, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Mashruuc hami sare laga lahaa oo lagu bilaabayo bangigii ugu horreeyay ee lagu kaydiyo caanaha bini’aadmiga ee Pakistan ayaa burburay sababo la xiriira diidmo ka timid machad Islaami ah oo ku yaal Karachi.

    Culimaa’udiinka Muslimiinta ayaa markii hore shuruud ku xiray mashruuca balse waxaa laga noqday maalmo ka hor inta aan la qorsheynin in xaruntan la furo.

    Pakistan waa dalka shanaad ee ugu dadka badan adduunka. Waxay leedahay heerka ugu sarreeya ee dhimashada dhallaanka ee Koonfurta Aasiya, sida ay sheegtay Unicef.

    La dagaallanka nolosha

    Bashira, ayaa waxay wayday wiilkeedii ugu horeeyay markii ay dhashay, tuulada ay ku noolaayeen ka hor inta aanay u guurin Karachi.

    Markii Bashira iyo ninkeeda Rahim ay gabadhoodii labaad ku dhaleen Karachi sannadkii hore, waxa soo food saartay cabsi ah in gabadhooda yar ay waayaan.

    “Cunugtaydu waxay dhalatay iyada oo aan bilo dhameysan, waxayna dhakhaatiirtu nagula taliyeen inaan siino caanaha naaska,” ayay u sheegtay BBC-da.

    “Laakiin ma awoodin inaan siiyo caano ku filan iyada.”

    Waxay dareemeen caawimaad la’aan.

    “Gabadhaydu waxa ay ku jirtay meel lagu hayo ilmaha aan bilo dhameysan oo ku taal qaybta daryeelka deg-degga ah, waxa aan isku dayay intii karaankayga ah in aan badbaadiyo nafta gabadhayda,” ayuu yiri Bashira ninkeeda Rahim Shah.

    Hooyo kale oo murugo ku jirta ayaa caawimaad u fidisay.

    “Waxaan ka soo baxnay isbitaalkii anagoo u gudubnay mid kale, ugu dambeyntiina waxaan helnay haweeney dhawaan ilmo ka dhinteen markii ay foolaneysay. Waxaan ka codsanay inay quudiso ilmahayga, si naxariis leh ayayna ii ogolaatay,” ayay tiri Bashira.

    Caawinta hooyada kale la’aanteed, gabadheenu ma ay bad-baadeen, ayuu yiri Rahim. “Ilmaha ayaa si ba’an ugu baahnaa caanaha naaska si ay u difaacaan,” ayuu raaciyay.

     

    Bangiga caanaha

    Caanaha Hooyada

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Qaar ka mid ah dalalka Muslimiinta u badan oo ay ku jiraan Malaysia iyo Iran ayaa leh xarumo lagu kaydiyo caanaha naaska hooyada si loo helo xilliga bad-baadada dhallaanka ee loo baahdo.

    Laakin culimada qaar ayaa ku doodaya in dhaqankaasi uu ka hor imaanayo shareecada Islaamka ee ku saabsan naas nuujinta.

    Islaamka, haweeneyda nuujisa ilmo aan ehel u ahayn, waxaa ay ka mid noqonayaan eheladeeda ay xiriirka la leedahay ” qaraabo-nimo nas nuujin ah “, carruurta ay isla hooyadu nuujiso waxaa lagu tiriyaa walaalo.

    Pakistan, culimada diinta qaarkood waxay ku dhawaaqeen hindisaha samaynta bangi caano bini’aadmi mid xaaraan ah, ama mamnuuc sida waafaqsan shareecada Islaamka.

    Laakin mas’uuliyiintu waxay sameeyeen dadaal “si ay bangiga caanaha uga dhigaan mid waafaqsan shareecada Islaamka”.

    Wasiirka caafimaadka ee gobolka Dr Azra Pechuho ayaa BBC-da u sheegtay in ay warqad u dirtay golaha Fikirka Islaamka oo ay ku xaqiijinayso in haweenku ay naaska nuujin karaan carruurta sida uu qabo sharciga Islaamka.

    “Haweenka ku deeqa caanaha waa la diiwaan galin doonaa, taas oo lala wadaagi doono waalidiinta carruurtan, taas oo sidoo kale lagu ogaan karo qofka ay tahay,” ayuu yiri Dr Pechuho, isagoo ka hadlaya walaaca laga qabo guurka suurtagalka ah ee u dhexeeya walaalaha naasku isku keenay taas oo sharci darro ah marka loo eego sharciga Islaamka.

    Fatwooyin

    Naas Nuujin

    XIGASHADA SAWIRKA,AFP/GETTY IMAGES

    Bangiga caanaha ee Karachi, wuxuu markii hore ogolaansho shuruud la’aan ah ka helay 25-kii Diseembar 2023 hay’adda Islaamka ee ay khusayso.

    Liiska shuruudaha ayaa mas’uuliyiinta faraya in ay la wadaagaan magacyada deeq-bixiyeyaasha dadka qaata.

    Waa in caanaha hooyada muslimadda ah la siiyo ilmaha muslimka ah.

    Wax lacag ah waa in aan la dalacin. Caanaha waxaa la siin karaa dhallaanka dhasha in ka yar 34 toddobaad ee xilliga uurka waana haddii hooyada dhashay aysan awoodin in ay caano ku filan ku quudiso ilmeheeda.

    Dastuurka Pakistan wuxuu farayaa in sharci kasta iyo dhammaan waaxyaha dowladda ay u hoggaansamaan sharciga Shareecada Islaamka.

    Caanaha naaska hooyada

    Sida laga soo xigtay Unicef, 54 ka mid ah 1,000 dhallaanka cusub ayaa ku dhinta Pakistan. Dalku wuxuu higsanayaa inuu hoos u dhigo 12 marka la gaaro 2030.

    Caanaha naasku waxay bixiyaan difaac iyo sidoo kale nafaqooyinka koritaanka. WHO waxay ku qiyaastay, “in ka badan 820 000 oo carruur ah la badbaadin karo sannad kasta, haddii dhammaan carruurta 0-23 bilood si wanaagsan loo nuujiyo.”

    Ma jiro xeerar caalami ah

    Naas nuujin

    XIGASHADA SAWIRKA,RAHIM SHAH

    WHO waxa ay leedahay, bangiyada caanaha dadka kuwaas oo ka howlgala in ka badan 60 wadan. Laakiin ka eegista dhinaca diinta ayaa weli ah mid xooggan. Bangi caano oo laga dhisay Bangladesh 2019 ayaa la xiray bil gudaheed ka dib mudaaharaadyo ay sameeyeen xisbiyada diimaha.

    Sida laga soo xigtay warqad cilmi-baaris ah oo ay soo saartay Akademiyada Maraykanka ee Dhakhaatiirta Carruurta, “Qoysaska Muslimiinta ee ku nool Galbeedka waxay ka war-wareegaan isticmaalka caanaha bangiyada ee bini’aadamka sababo la xiriira qarsoodiga deeq-bixiyeyaasha”.

    Ilaa hadda ma jiraan habraac go’an oo ku saabsan samaynta bangiga caanaha dadka ilaa hadda. WHO ayaa hadda bilowday in ay ka shaqeyso arrintan.

    Sidoo kale, ilaa hadda ma cadda waxa ku dhici doona hindisaha bangiga caanaha ee Pakistan.

    Laakin markii lagu soo noqday Karachi, Bashira inanteeda yar hadda waa socod barad caafimaad qabta, iyada oo ay ugu wacan tahay habayn aan rasmi ahayn oo uu fududeeyay cusbitaal kaas oo bixiyay faahfaahinta ku-deeqaha iman kara.

    Bashira waxay sugaysaa “markeeda” si ay u caawiso hooyooyinka kale.

    “Weligay waxaan u mahadcelinayaa iyada (hooyadii ku deeqday caanaha), mustaqbalkana haddii aan helo fursad aan ku soo celiyo nicmada oo aan badbaadiyo nolosha waxaan sidaas oo kale u samayn lahaa ilmo kasta,” ayay tiri.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 8, 2025

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 8, 2025

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.