Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo haatan socdaal ku marayo gobollada Sool iyo Sanaag ayaa ka hadlay arrimo ku aadan maamulka deegaanadaas oo ay isku haystaan SSC iyo Somaliland.
Karaash ayaa si gaar ah uga hadlay arrinta magaalada Ceerigaabo, wuxuuna Somaliland uga digay in xoog ku muquuniso bulshada ka aragti duwan ee ku nool magaaladaasi.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dowlad goboleedka Puntland oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolladaasi ayaa sheegay in magaalada Ceerigaabo ay ku nool yihiin bulshooyin kala duwan, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in loola macaamilo sida magaalada Gaalkacyo oo kale oo ay hadda wada taliyaan maamullada Galmudug iyo Puntland.
Hadalka siyaasigan ayaa u muuqda mid ku doonayo in Ceerigaabo ay wada maamulaan SSC-Khaatumo iyo Somaliland, ayna labada dhinac ku wada sugnaadaan halkaasi.
Arrintan waxa ay kusoo aadeysaa, ayada oo weli dhaq-dhaqaaqyo u dhexeeya labadan maamul ay ka socdaan waqooyiga dalka Soomaaliya, waxaana mid kasta uu doonayaa inuu isku ballaariyo dhulkaasi, gaar ahaan deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn.
Xiisadda u dhexeysa SSC iyo Somaliland ayaa weli qooyan, kadib markii horraantii sanadkii hore Somaliland dagaal looga saaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Si kastaba, lama sida ay wax noqodon doonaan, mana jiro wax war ah oo illaa iyo hadda kasoo baxay dhinaca Somaliland oo ku aadan hadalka kasoo yeeray Axmed Karaash.