Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 8, 2025

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 4, 2025

      Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

      May 31, 2025

      Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

      May 30, 2025

      Madaxweynaha Somaliland oo maanta u safraya dalka Kenya

      May 26, 2025

      Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

      May 18, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 4, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Kadib fashilka soo wajahay dagaalka, arrin culus oo la gudboon madaxweyne Xasan

    Kadib fashilka soo wajahay dagaalka, arrin culus oo la gudboon madaxweyne Xasan

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMarch 14, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Dagaalka ka dhanka ah argagixisada joogta Soomaaliya ayaa hakad ku jiray dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, wallow ay dhowr jeer ay duqeymo fuliyeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah, haddana ma jirin dagaal qorsheyn oo ciidanka xoogga dalka qaadeen dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kasoo laabtay furimaha dagaalka waxaana uu si weyn ugu mashquulay dastuurka iyo xiisadda Itoobiya ee la xiriirta badda.

    Inkasta oo madaxweynaha loogu garaabi karo arrinta Itoobiya oo shaqo bogaadin leh ka qabtay haddana wararka maalmihii tegay ka yimid deegaanada Caad, Camaara iyo Bacaadweyn ma ahan kuwa farxad galinaya shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadkii ehelkoodii iyo saaxiibadoodii ku waayay qabashada deegaanadaas.

    Saddexdaan magaalo oo Galmudug ka tirsan ayaa dib looga soo laabtay, iyada oo goobaha qaar laga soo baxay dagaal la’aan. Kasoo bixidaan ma ahan kamana dhigna inay argagixisada soo xoogeysatay ee waa jiritaanka tabashooyin ciidanka dhexdooda ah oo la xiriira dhaqaale, hoggaan xumo iyo siyaasad.

    Galmudug oo bishaan November ee sanadkaan doorasho loo balansan yahay ayuu la dagaalanka argagixisada ku damay.

    Saraakiil ciidan ayaa laga soo xiganaya in ciidankii Macawiisleyda deegaanka ay waayeen gunadii ay heli jireen, waxaa kale oo la duray wada-shaqeynta dhinacyada, waxaana batay gacmaha arrinta ciidanka iyo dagaalka ku lugta leh.

    Maamulka Galmudug, ganacsato, madax ciidan, xubno xilal ka haya dowlad dhexe ee Soomaaliya iyo siyaasiyiin daneynaysa doorashada soo socota ee Galmudug waxay siyaabo kala duwan ugu lug yeesheen howl-galladii ka socday deegaanada Galmudug, waxaana isku dhex yaacas keenay inuu dagaalka dhaqaaqi waayo, ugu dambeyna magaalooyin lasoo banneeyo.

    Weli argagixisada ma itaal badna, madaxweyne Xasan Sheekh waxaa laga rabaa inuu badbaadiyo dhiiggii, dhaqaalihii iyo go’aankii umadda Soomaaliyeed ee dagaalka argagixisada lagu bixiyay, si gaar ah reer Galmudug oo dagaalka wax badan u huray.

    Mid kamid ah waxyaabaha fashilka keenaya balse uu xalkooda fudud yahay waa gacmaha badan. In howl-galkan uu yeesho hal talis, hal maaliyad iyo qorshe ayaa daawo u ah dayaca maanta muuqda, sida ay sheegeen saraakiil ciidan oo reer Galmudug ah.

    Dadka deegaanka waxay baddi weli u muuqdaan inay daacad ka yihiin dagaalka, laakiin dagaal waa qorshe, dhaqaale iyo aragti, waana in dowladda dhexe laga arkaa ahmiyad gaar ah.

    Dadka waxay aaminsan yihiin in Madaxtooyadda Soomaaliya uu dastuurka kala muhiimsanaaday la-dagaalka argagixisada. Horey wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u sheegay in aanay Soomaaliya waxba u qabsoomi karin, horumar iyo dawladnimana aan laga shaqeyn karin illaa laga adkaado argagixisada.

    Laakiin sida hadda loo shaqeynayo waxay kasoo horjeeda hadalkii hore ee madaxweynaha. Waxaa hortaalla madaxweyne Xasan Sheekh inuu dhab u qaato ficiladii dhacay 72-dii saac ee lasoo dhaafay ee looga soo baxay magaalooyinkan, oo uu ka hortago in aanay tallaabada noocaas ah faafin, qorshe cusubna uu la yimaado dibna u jiheeyo dagaalka, umaddana uu si ficil ah ugu caddeeyo inuu dagaalka wax walba uga muhiimsan yahay.

    Haddii aan taas la aadin oo madaxweynaha uusan dib u curin dareenka dagaal ee ciidanka iyo shacabka waxaa jirta cabsi ah inuu si guud uu howlgalka u fashilmo.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 8, 2025

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 8, 2025

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.