Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

    October 12, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025

      Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

      October 4, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Khasaare ka dhashay qarax ismiidamin ah oo ka dhacay dalka Pakistan

      September 30, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Kadib cadaadiska la saaray Fowsiya, yaa jaanis u helaya kursiga Midowga Afrika?

    Kadib cadaadiska la saaray Fowsiya, yaa jaanis u helaya kursiga Midowga Afrika?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJune 21, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Xildhibaan Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa shalay shir jaraa’id oo ay ku qabatay magaalada Muqdisho ku sheegtay in ay wejahayso cadaadis dhanka madaxda sare ee Soomaaliya ah oo ku aaddan doonisteedii in ay u tartanto kursiga ugu sarreeya Midowga Afrika.

    Yaa jaanis helaya cadaadiskaas darted?

    Kulankii 44-aad ee Golaha Midowga Afrika ee ka dhacay sanadkaan magaalada xarunta Midowga Africa ee Addis Ababa ayaa lagu sheegay in hoggaanka xiga ee Midowga Afrika uu ka iman doono wadamada dhaca bariga Africa.

    Fawsiya inkasta oo sheegtay in aanay tanaasulayn, haddana way adkaan doontaa helitaanka kursigaas haddii aanay madaxda dawladda federaalku tartankaas taageeradeeda qayb ka qaadan.

    Hoggaayimaha mudada dheer ee mucaaradka ah ee Kenya Raila Odinga ayaa shaaciyay in uu u tartamayo xilka guddoomiyenimada Midowga Afrika kal hore.

    Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti ayaa isaguna haysta jaanis fiican oo ku qaban karo xilkaas, maadaama uu yahay musharraxa Jabbuuti booskaas ugu tartami doona.

    Hoggaanka haddeer xilka hayana waxaa la doortay 2021 muddo xileedkiisana waxuu ku egyahay 2025 bisha Febraayo, oo markaas xilka uu wareejin doono doorashada kadib.

    Haatan waxaa xilka guddoonka Midowga Afrika haya Moussa Faki, oo ka soo jeeda dalka Chad, kaasi oo ay u dhammaaneyso muddo-xileedkiisii labaad. Muddo-xileedka kursigan ayaa ah 2025-2028.

    Sidee ayay dowladuhu usoo xulaan musharraxa kursigan, qaabkee ayaana loo doortaa?

    Dhammaan musharraxiinta daneynaya inay xilka guddoomiyenimada Midowga Afrika kala wareegaan Faki, ayaa laga doonayaa inay soo gudbiyaan CV-gooda iyo qoraal kooban oo ay ku sharraxayaan sida ay wax uga qaban karaan arrimaha ugu badan ee walaaca ku haya AU.

    Musharraxiinta ayaa laga doonayaa inay kasoo baxaan shuruudda waxbarasho ee Midowga Afrika uu go’aamiyay sida in shahaadada sare ay ka heystaan cilmiga sharciga, xiriirka caalamiga ah, dhaqaalaha, diblomaasiyadda, maamulka, maamulka ganacsiga, sayniska siyaasadda, sayniska bulshada iyo wixii la mid ah.

    Fowsiya ayaa BBC u sheegtay in dowladaha laga doonayo inay keenaan qof u qalma oo maamuli kara 55 dowladood oo Afrikaan ah.

    Marka ay musharraxiinta soo gudbiyaan araajidooda, Midowga Afrika ayaa eegi doona iyadoo guddi loo saaray uu kala xulan doono musharraxiinta ugu mudan ee isugu soo haraya tartanka xilkan.

    Musharraxiinta isku soo hara ayaa loo qaadaa cod qarsoodi ah.

    Si musharraxu u guuleysto, waa inuu helaa labo meelood saddex codadka xubnaha guddiga ee madasha jooga isla markaana u qalma inay codeeyaan.

    Haddii musharraxna uu helo waayo aqlabiyadda loo baahan yahay wareegga hore, wareegyo kale oo codbixin ayaa la qabanayaa.

    Madaxa AU ayaa la doortaa afartii sanoba mar, hal jeer ayaana mar kale la dooran karaa qofkii hore u hayay. Ninka haatan xilka haya ayaa kasoo jeeda dalka Chad oo Bartamaha Afrika ku yaalla, waxaana jirta dood ah in hoggaamiyaha xiga laga soo xusho Bariga Afrika.

    Isha: BBC

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

    October 12, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

    October 12, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.