Koonfur Afrika ayaa Arbacadii codsi degdeg ah u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda si ay u weydiisato tallaabooyin degdeg ah oo dheeraad ah oo ka dhan ah Israaβiil, sida ku cad dukumeenti ay sii daysay ICJ.
Codsiga degdega ah ee la soo gudbiyay Arbacadii, Koonfur Afrika waxay ku doodaysaa inay βku qasban tahay inay ku soo noqoto Maxkamadda iyada oo la eegayo xaqiiqooyinka cusub iyo isbeddelka xaaladda Gaza β gaar ahaan xaaladda gaajada baahsan.
Bayaanka ayaa sidoo kale ka codsanaya ICJ inay muujiso tallaabooyin ku-meel-gaar ah ama in wax laga beddelo tallaabooyinka ku-meel-gaarka ahβ ee la soo saaray Janaayo.
Koonfur Afrika ayaa horraantii Janaayo horgeysay maxkamadda ICJ dacwad ka dhan ah Israaβiil oo ay ku sheegtay in Israaβiil ay xasuuq ka geysanayso Falastiiniyiinta Gaza. Maxkamadda ICJ ayaa markaas ku dhawaaqday dabayaaqada bishan in ay soo rogi doonto tallaabooyin ku meel gaar ah oo ka dhan ah Israaβiil oo ku saabsan hawlgalkeeda milatari ee Gaza.
Boqolaal qof ayaa u dhintay nafaqo darro iyo fuuqbax tan iyo markii uu dagaalka Qaza ka billowday.
Ilmihii ugu yaraa ee u dhintay gaajo iyo daryeel laβaan ayaa hal maalin jirsaday, sida uu sheegay Dr. Xuseen Abuu Safiya oo ah maamulaha isbitaalka Kamaal Cadwaan. Dhawr carruur ah oo kale oo dhintay waxay daβdoodu ka yaraayeen hal sano.
βMacaluushu way sii xumaanaysaa waxayna sheegan doontaa kumanaan muwaadiniin ah haddii aan gardarrada la joojin oo aan gargaarka biniβaadantinimo iyo daawaynta aan si degdeg ah loo gelin Gaza,β ayuu yiri afhayeenka wasaaradda Dr. Ashraf Al-Qidra ayaa Arbacadii sheegay.
Khubarada Qaramada Midoobay ayaa Israaβiil ku eedeeyay inay si ula kac ah u gaajeysiinayso Falastiiniyiinta reer Gaza oo la heegay in caruurtooda ay gaajo u dhimanayaan, hooyooyinkuna aysan naaska nuujin karin caruurtooda.
Digniintan ayaa imanaysa iyadoo tirada dadka ay ciidamada Israaβiil ku dileen Qaza ay kor u kacday ugu yaraan 30,717, iyadoo in ka badan 72,000 ay ku dhaawacmeen tan iyo 7-dii Oktoobar.

